Wararka Suuqa Caawa: Chelsea oo bilowday Heshiiska Luis Diaz, Marcelo oo ka tagaya Real Madrid iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

AC Milan ayaa isku diyaarineysa inay bisha Janaayo dalab ka gudbiso xiddiga Brest Romain Faivre, Kooxda ayaa durba heshiis la gaartay Faivre oo ku saabsan heshiis afar sano ah laakiin waxay weli u baahan yihiin inay ku qanciyaan kooxda Faransiiska iibinta. sida laga soo xigtay  Calciomercato .

Marcelo ayaa u sheegay Real Madrid inuu ka tagayo kooxda dhamaadka xiliciyaareed kaan , Daafaca dambeedka midig ee reer Brazil ayaa doonaya inuu dib ugu laabto dalkiisa, iyadoo la filayo inuu u dhaqaaqo Fluminese. sida laga soo xigtay  El Nacional .

Sevilla ayaa xiiseyneysa saxiixa Julian Alvarez oo ka tirsan River Plate,  21 jirkaan ayaa wacdaro ka dhigay Argentina waxaana agaasimaha Sevilla Monchi uu si dhow ula socdaa horumarkiisa. sida laga soo xigtay  Fichajes .

Real Madrid iyo Bayern Munich ayaa labaduba isha ku haya weeraryahanka Napoli Victor Osimhen, Madrid ayaa u aragta 22 jirkaan inuu yahay bedelka ugu macquulsan ee bartilmaameedyada koowaad ee Kylian Mbappe iyo Erling Haaland. sida laga soo xigtay AS .

Inter ayaa ku raad joogta weeraryahanka Red Bull Salzburg Karim Adeyemi, Kooxda reer talyaani ayaa ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa 19 jirkan iyada oo ay weheliyaan dhamaan kooxaha waaweyn ee Yurub oo ay ku jiraan Liverpool iyo Bayern. sida laga soo xigtay Calcio Mercato .

Chelsea ayaa wax ka weydiisay helitaanka garabka Porto Luis Diaz, Newcastle, Bayern Munich iyo Real Madrid ayaa sidoo kale la xiriiray wakiillada 24 jirkaan, iyadoo la filayo in dagaal uu ka dhex qarxo kooxahan sanadka 2022-ka. sida laga soo xigtay Gazzetta dello Sport .

Wada xaajoodyada qandaraaska cusub dib uma bilaaban doonaan ilaa Abriil Wadahadaladii u dhaxeeyay Paul Pogba iyo Manchester United ee ku saabsanaa cusbooneysiinta qandaraaska ayaa waxaa hakiyay wakiilkiisa – sida laga soo xigtay AS .

Milan ayaa gaarsiisay meel adag wadahadallada qandaraas ee xiddiga khadka dhexe Franck Kessie, 24 jirkaan ayaa lagu wadaa inuu noqdo wakiil xor ah xagaaga soo aadan, Rossoneri ayaana isku dayaysay inay ku xirto shuruudo cusub. sida laga soo xigtay Calcio Mercato .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*