Home Suuqa kala iibsiga Wararka Suuqa Caawa: Kuwa ugu Danbeeyay Thiago Silva, Dusan Vlahovic, Attila Szalai,...

Wararka Suuqa Caawa: Kuwa ugu Danbeeyay Thiago Silva, Dusan Vlahovic, Attila Szalai, Ernesto Valverde, iyo Dembele

0

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Daafaca Chelsea Thiago Silva ayaa qarka u saaran inuu saxiixo qandaraas cusub, sidaas waxaa qortay UOL.

Weeraryahanka Fiorentina Dusan Vlahovic ayaa meesha ka saaray inuu ka tagayo bisha Janaayo, isagoo ku adkeystay inuu doonayo inuu ka caawiyo kooxda Serie A inay u soo baxdo Yurub. Telegraph

Chelsea ayaa isha ku haysa daafaca Fenerbahce Attila Szalai – sida laga soo xigtay Football Insider.

Manchester United ayaa wadahadalo la yeelatay tababarihii hore ee Barcelona Ernesto Valverde si uu si ku meel gaar ah ugu qabto kooxda madama Kooxda ku adagtahay Magacaabida Tabare rasmi ah inta ka hartay Sanadka Cusub.  GOAL 

Wolves ayaa albaabada u furtay iibka Adama Traore iyada oo uu jiro xiriir uu lala leeyahay Liverpool – sida laga soo xigtay Football Insider .

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal Granit Xhaka ayaa u furan inuu ku laabto Borussia Monchengladbach. MIT Geredit

Manchester United ayaa isha ku heysa xaalada qandaraaska Ousmane Dembele ee Barcelona – sida laga soo xigtay El Nacional .

Aston Villa ayaa qarka u saaran inay iska iibiso Bertrand Traore bisha Janaayo – sida laga soo xigtay Football Insider .

Unai Emery ayaa ka mid ah magacyada Manchester United ay ka fiirsaneyso inay ka dhigto tababarahooda xiga, sida ay ku warameyso Bild .

Previous articleJesse Lingard oo wali doonaya inuu ka tago Manchester United bisha Janaayo.
Next articleShaxda Rasmiga: Liverpool vs Porto ee Champions league-ga Guruub B, Liiska Xidigaha lagu soo bilaabay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here