Home Wararka Wargeysyada Wararka Suuqa Caawa: Pedri oo Heshiis Cusub u Saxiixaya Barcelona, Xanta ka...

Wararka Suuqa Caawa: Pedri oo Heshiis Cusub u Saxiixaya Barcelona, Xanta ka Cusub Haaland iyo Qodobo kale

0
Ad

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Barcelona ayaa weli lagu leeyahay deyn ka socota Liverpool € 42 milyan (£ 36m/$ 49m) oo ku saabsan iibinta Philippe Coutinho laga bilaabo Janaayo 2018, Cadena Ser

Monaco ayaa qiimaha Aurelien Tchouameni ka dhigi doonta 60 million (£ 51m/$ 69m), sida ay qortay Marca.

Ad

Barcelona ayaa wadahadalo heer sare ah ka leh cusboonaysiinta heshiiska Pedri, iyadoo ciyaaryahanka reer Spain uu diyaar u yahay inuu ogolaado heshiis socon doona ilaa 2026. Goal

Arsenal ayaa isku diyaarineysa inay dalab € 30 million (£ 24m/$ 35m) ka gudbiso garabka kooxda Club Brugge ee Noa Lang – sida laga soo xigtay Voetbal 24 .

Wadahadallada suuqa kala iibsiga ee u dhexeeya Manchester City iyo weeraryahanka Borussia Dortmund Erling Haaland ayaa lagu wadaa inay bilowdaan bisha Janaayo – sida laga soo xigtay The Times .

Real Madrid ayaa soo nooleysay xiisihii ay u qabtay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Paul Pogba – sida laga soo xigtay AS .

Galatasaray ayaa wadahadalo kula jirta saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal Mohamed Elneny – sida laga soo xigtay Fanatik .

Edinson Cavani waa inuu ka tagaa Manchester United bisha Janaayo sabab la xiriirta mustaqbalkiisa Uruguay sida uu yiri Gus Poyet.

Previous articleTababaraha Liverpool Jurgen Klopp oo ka Warbixiyay Xaalada dhaawac ee Diogo Jota
Next articleBarcelona oo heshiis cusub oo shan sano ah la gaartay Pedri

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here