Wararka Suuqa Caawa: Wakiilka Robert Lewandowski oo sheegay in Xidiga uu ku biiri karo Man City, Heshiiska Sergi Roberto iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Juventus ayaa dooneysa inay iibiso Aaron Ramsey suuqa Janaayo, sida uu soo sheegayo wariyaha Goal ee Juve Romeo Agresti .

Atletico Madrid iyo Sevilla ayaa xiiseynaya saxiixa daafaca dambeedka dhexe ee Fenerbahce Attila Szalai, sida laga soo xigtay AS.

Tariq Lamptey iyo James Justin ayaa ah laba daafac midig oo ay Arsenal indhaha ku hayso, sida uu qoray Fichajes .

Barcelona ayaa rajeyneysa inay gacanta ku dhigto Cesar Azpilicueta oo ah wakiil xor ah dhamaadka xilli ciyaareedkan, sida ay ku warameyso Fichajes.

Barcelona ayaa awoodi wayday inay heshiis cusub la gasho mid ka mid ah kabtanadeeda Camp Nou ee Sergi Roberto, sida ay sheegtay Onda Cero .

Wakiilka Robert Lewandowski, Pini Zahavi, ayaa u arka Manchester City inay tahay meel macquul ku ah macmiilkiisa sannadka 2022, sida ay sheegtay Bild .

Inter ayaa u cadeysay Ivan Perisic inay qasab tahay in la dhimo mushaarkiisa si uu u sii joogo San Siro. sida laga soo xigtay Gazzetta dello Sport , 

Weeraryahanka Fiorentina Dusan Vlahovic ayaa xiiso ka helaya kooxaha hogaaminaya Yurub oo dhan, iyadoo Le10Sport ay sheegtay in Paris Saint-Germain ay haatan qeyb ka tahay tartankaas.

Difaacii hore ee Bayern Munich iyo France Bixente Lizarazu ayaa kula taliyay ninka ay isku dalka yihiin Kingsley Coman inuu qandaraaska u kordhiyo kooxda heysata horyaalka Jarmalka Lizarazu ayaa u sheegay Bild .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*