Wararka Suuqa Caawa: Chelsea oo iibineysa N’Golo Kante, Xaalka Pogba iyo Qodoob kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

AC Milan ayaa laga yaabaa inay isku daydo saxiixa Hector Herrera sida laga soo xigtay Calciomercato.

Inter ayaa liiska bartilmaameedkeeda ku dartay goolhayaha Arsenal Bernd Leno iyagoo raadinaya badalka Samir Handanovic. Fichajes

Barcelona ayaa durbadiiba xaqiijisay saxiixa da’yarka reer Turki Emre Demir xagaaga soo aadan . Radyospor

Inter ayaa weli u furan saxiixa goolhayaha Ajax Andre Onana, agaasimaha maamulka Giuseppe Marotta ayaa si maldahan u sheegay sida ay qortay DAZN .

Theo Hernandez ayaa diyaar u ah inuu heshiis cusub u saxiixo AC Milan kadib markii uu go’aansaday inuu sii joogo, sida ay sheegtay  Calciomercato.it .

Chelsea ayaa dooneysa inay iibiso N’Golo Kante xagaaga soo aadan, sida laga soo xigtay  Fichajes .

Juventus ayaa isha ku heysa xiddiga Sampdoria Mikkel Damsgaard iyagoo doonaya inay xoojiyaan xulashooyinka baalasha. Tuttosport 

Roberto Martinez ayaa noqday musharaxa ugu macquulsan ee badali kara Ronald Koeman oo ah tababaraha Barcelona, ​​sida laga soo xigtay  TNT Sports .

Manchester United ayaa sugaysa jawaabta Paul Pogba ee ku aadan in uu heshiis saxiixo ama in uu sheego go’ankiisa kooxda. Goal

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona Pedri ayaa ku dhow inuu heshiis cusub u saxiixo kooxda, sida ay  qortay Mundo Deportivo .

Chelsea ayaan ka quusan saxiixa Federico Chiesa iyagoo xiiseenaya inay kala soo wareegaan kooxda Juventus. Calciomercato

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*