Wararka Suuqa Ciyaaraha: Aubameyang, Haaland, Vlahovic, Kessie, Nketiah, Dembele

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Arsenal ayaa dhagaysan doonta dalabaadka u imanaya Pierre-Emerick Aubameyang oo kooxda ka tagi kara bishan January. (Sky Sports)

Arsenal ayaa dalab 70 Milyan oo euro ah ka gudbisay Dusan Vlahovic, heshiiskaas ayaa sidoo kale Lucas Torreira u ogolaanaya inuu si joogto ah ugu wareego kooxda ree Talyaani. (Gazzetta dello Sport)

Red Bull Salzburg weeraryahankeeda Karim Adeyemi ayaa ah bartilmaameedka koowaad ee Borussia Dortmund ku bedelayso Haaland, BVB ayaa sidoo kale xiisaynaysa weeraryahanka Fiorentina ee Vlahovic, dhigiisa Stuttgart ee Sasa Kalajdzic iyo Darwin Nunez oo qayb ka ah Fiorentina. (Marca)

Borussia Dortmund ayaa doonaysa in mustaqbalka Haaland la xaliyo kahor dhammaadka suuqa January. (Mirror)

Everton ayaa 30 Milyan oo pound ku doonaysa iibka Lucas Digne oo ay xiisaynayaan Chelsea, West Ham iyo Newcastle, kooxda Napoli ayaa doonaysa inay heshiis amaah ah ku qaadato Digne balse maaha nooca heshiis ee ay Toffees raadinayaan. (Sky Sports)

Flamengo weeraryahankeeda Gabriel Barbosa ayaa u furan inuu ku biiro kooxda Newcastle United. (90min)

Seville daafaceeda dhexe ee Diego Carlos ayay Newcastle u bartilmaameedsanaysaa bedelka Sven Botman oo ay kooxdiisa Lille sheegtay inuusan iib ahayn. (Telegraph)

Donny van de Beek ayaa tixgelin doona dookhyada uu haysto suuqa January xilli uu doonayo inuu ka baxo Manchester United. (ESPN)

Juventus khadkeeda dhexe ee Aaron Ramsey ayaa diiday dalab uga yimid kooxda Burnley, Ramsey ayaa xiisaynaya kusoo laabashada Premier League iyadoo Newcastle ay doonayso. (Sky Sports)

Tottenham tababaraheeda Antonio Conte ayaa la kulmaya guddoomiye Daniel Levy si ay uga wada hadlaan bartilmaameedyadooda suuqa January, Franck Kessie oo AC Milan ka tirsan ayaa kamida xiddigaha lala xidhiidhinayo. (Evening Standard)

Brighton iyo Crystal Palace ayaa labaduba xiisaynaya inay Eddie Nketiah kala saxeexdaan Arsenal suuqa January. (Sun)

Blackburn Rovers ayaa lacag ka badan 30 Milyan oo euro ku doonaysa iibka weeraryahan Ben Brereton Diaz. (Teamtalk)

Roma ayaa toddobaadkan dhammaystiraysa heshiiska ay Arsenal kaga qaadanayso Ainsley Maitland-Niles ee amaahda ah. (ESPN)

Paris St-Germain ayaa xiisaynaysa saxeexa garabka Barcelona ee Ousmane Dembele. (Mundo Deportivo)

Barcelona ayaa isku dayi doonta inay deg-deg u iibiso Dembele haddii uu heshiis kordhin diido. (Talksport)

Weeraryahanka Napoli ee Lorenzo Insigne ayaa ku biiri doona kooxda Toronto FC suuqa xagaaga kaddib markii uu aqbalay heshiis 11 Milyan oo euro ah sanadkii. (Guardian)

Barcelona daafaceeda midig ee Sergino Dest ayaan qorshaynayn inuu kooxda ka tago walow uu xiiso ka helayo Atletico Madrid, Bayern Munich iyo Chelsea. (Sport)

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*