Wararka Suuqa Ciyaaraha Caawa: Cesar Azpilicueta, Anders Christensen, Marcelo, Sven Botman, Anthony Martial, Luis Diaz

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Barcelona ayaa wali rajo ka qabta saxiixa Cesar Azpilicueta iyo Anders Christensen, sida laga soo xigtay Sport .

Everton ayaa ka fiirsaneysa inay amaah ugu dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Ross Barkley, sida ay warineyso Telegraph .

Marcelo ayaa laga yaabaa inuu ka fariisto ciyaaraha haddii isaga iyo Real Madrid ay awoodi waayaan inay heshiis kordhin u sameeyaan – sida laga soo xigtay Marca .

Lille ayaa diyaarisay 30 milyan oo Yuuro (£25m/$34m) oo ay ku doonayso daafaca reer Holland Sven Botman – sida laga soo xigtay Tuttomercatoweb .

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Dani Ceballos ayaa qarka u saaran inuu dib ugu biiro Real Betis – sida laga soo xigtay Mundo Deportivo .

Manchester United ayaa diiday qaabka Sevilla ay ku dooneyso Anthony Martial ee amaah-da ah sida ay ogaatay GOAL .

Lazio ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta Paris Saint-Germain daafaceeda dambeedka midig ee Layvin Kurzawa – sida laga soo xigtay Tuttomercatoweb .

Liverpool ayaa ku qasbanan in ay Bixiso 67 milyan oo gini ($90m) si ay Luis Diaz ugala soo wareegto Porto bisha January – sida laga soo xigtay WinSportsTV .

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*