Wararka Suuqa Ciyaaraha Caawa: Denis Zakaria, Patrik Schick, Paulo Dybala, Attila Szalai, Dean Henderson, Dani Ceballos

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Denis Zakaria ayaa ka tagi doona Borussia Monchengladbach marka uu qandaraaskiisu dhaco dhamaadka xilli ciyaareedkan, sida ay kooxdu xaqiijisay.

Manchester City ayaa indhaha ku haysa weeraryahanka Bayer Leverkusen Patrik Schick – sida laga soo xigtay Fichajes .

Juventus ayaa dib u dhigtay ku dhawaaqista heshiis kordhinta Paulo Dybala ilaa bisha Febraayo – sida laga soo xigtay Calciomercato .

Milan ayaa ku biirtay liiska kooxaha doonaya daafaca Fenerbahce Attila Szalai – sida uu qabo saxafiga reer Talyaani ee Rudy Galetti .

Dean Henderson ayaa doonaya inuu wadahadalo la yeesho tababare Ralf Rangnick oo ku saabsan mustaqbalkiisa Manchester United ka dib markii uu ka carooday waqti la’aantiisa, Mail ayaa werisay .

Tottenham Ayaa isha ku heysa xaalada Dean Henderson ee Manchester United – sida laga soo xigtay MEN .

Real Betis ayaa xiiso u qabta Dani Ceballos laakiin waxa ay sugi doontaa ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan ka hor inta ayna isku dayin saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Real Madrid, sidaas waxaa qortay Marca .

Newcastle ayaa ku sii dhawaanaysa saxiixa daafaca birta ah ee England Kieran Trippier oo ka yimid Atletico Madrid, sida ay warinayso Telegraph .

Manchester City ma eegi doonto bedelka Ferran Torres bisha Janaayo laakiin waxay diirada saari doontaa inay lasoo saxiixato weeraryahan xagaaga soo aadan, sidaas waxaa qortay ESPN .

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*