Wararka Suuqa Ciyaaraha Caawa: Mauro Icardi, Luis Suarez,Victor Nelsson, Sanches, Gareth Bale, Isco

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Juventus ayaa laga yaabaa inay dib u soo celiso xiisahooda Mauro Icardi bishaan hadii xidiga Morata uu ka tago kooxda. Il Bianconero.

Luis Suarez ayaa go’aansaday inuu isaga tago Atletico Madrid marka uu qandaraaskiisu dhaco dhamaadka xilli ciyaareedkan, sida ay warineyso El Nacional .

Inter ayaa qarka u saaran inay dalab ka gudbiso daafaca Galatasaray Victor Nelsson, ayuu yiri Aksam . 

Weeraryahanka Flamengo Gabriel Barbosa ayaa laga yaabaa inuu ku sii jeedo England isagoo wadahadalo kula jira West Ham, sida laga soo xigtay Sky Sports .

AC Milan ayaa wadahadalo kula jirta Renato Sanches oo ka tirsan Lille, sida ay qortay Calciomercato .

Roma ayaa soo gudbisay dalab amaah ah oo ay ku qaadaneyso Ainsley Maitland-Niles kaasi oo ka tirsan Arsenal, sida ay sheegtay The Athletic .

Wadahadaladii qandaraas kordhinta ee Chelsea ee Andreas Christensen ayaa hakad galay mar kale, sidaas waxaa sheegtay Gianluca Di Marzio .

Real Madrid ayaa dooneysa inay iska iibiso Gareth Bale, Isco iyo Marcelo inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga ee jiilaalka, sida ay warisay AS .

Barcelona ayaa wadahadalo kula jirta Manchester United oo ku saabsan suurtagalnimada heshiis is dhaafsi oo ay ku lug leeyihiin Anthony Martial iyo Ousmane Dembele,Ara .

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*