Wararka Suuqa Ciyaaraha Maanta: Lukaku, Dembele, Rice, Traore, Mbappe, Botman

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Barcelona ayaa Man United u bandhigi karta heshiis ciyaaryahano is-dhaafsi oo ay Ousmane Dembele ugu bedelanayaan Anthony Martial. (Ara)

Romelu Lukaku ayaan ku faraxsanayn Chelsea waxaana uu isku dayi karaa inuu kooxda ku qasbo in laga iibiyo kooxda ay xifaaltamaan ee Tottenham si uu Antonio Conte ula midoobo. (Gazzetta Dello Sport)

Manchester United rajadeeda ah inay la saxeexato Declan Rice ayaa kor u kacday kaddib bandhigaya West Ham United ee ku sababay inay yaraato fursadeeda kaalmaha Champions League loogu soo baxo, Man City iyo Chelsea ayaa iyaguna mudo dheer la dhacsanaa Rice. (Sun)

Newcastle ayaa doonaysa inay lix saxeex samayso suuqa January, waxay rajaynayaan in kulanka ay 15-ka bishan la ciyaarayaan Watford ay diyaar u noqdaan Atletico Madrid daafaceeda midig ee Kieran Trippier iyo hal saxeex oo kale. (The I)

Tottenham khadkeeda dhexe ee Tanguy Ndombele ayay macquul tahay inuu bartilmaameed u noqdo Roma. (Calciomercato)

Tottenham iyo West Ham ayaa kamida kooxaha xiisaynaya saxeexa Adama Traore oo ay Wolves doonayso inay 20 Milyan oo pound amaba ka badan ku iibiso si ay saxeexyo kale lacag ugu hesho. (Telegraph)

Liverpool iyo AC Milan ayaa xiisaynaya 20 sano jirka khadka dhexe ee Aguibou Camara oo ka tirsan kooxda Olympiakos. (Calciomercato)

Lille daafaceeda Sven Botman ayaa diidaya heshiiska uu ugu biiri lahaa Newcastle United sababtoo ah inuu ka werwersan yahay u wareegista koox inay heerka hoose u dhacdo ka cararaysa. (Times)

Aston Villa ayaa ah kooxdii ugu dambaysay ee Premier League ah ee lala xidhiidhinayo Denis Zakaria oo Borussia Monchengladbach ka baxaya horena loola xidhiidhinayay Liverpool, Leicester, Arsenal iyo Everton. (Mail)

Real Madrid tababaraheeda Carlo Ancelotti ayaa soo jeediyay in kooxdiisu ay ilaa xagaaga dambe sugi doonto si ay Kylian Mbappe oo PSG ka tirsan ugu dhaqaaqdo. (Goal)

Goolhaye Neto ayaa u sheegay Barcelona inuu doonayo inuu baxo xilli ay doonayso kooxda dalkiisa Brazil ee Flamengo. (El Nacional

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*