Wararka Suuqa Ciyaaraha Maanta: Saka, Botman, Laporte, Kessie, Dembele, Jordan Veretout

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Newcastle ayaa kusii dhawaanaysa heshiis 30 Milyan oo pound ah oo ay Lille kagala wareegayso daafaca dhexe ee Sven Botman. (Mail)

Liverpool ayaa xiisaynaysa da’yarka Arsenal ee Bukayo Saka oo heshiiskiisa Gunners dhacayo 2024. (Express)

Liverpool ayaa sidoo kale xidhiidh kala samaysay AC Milan khadka dhexe ee Franck Kessie oo heshiiskiisu dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkan. (Italian)

Barcelona ayaa xagaaga dambe doonaysa saxeexa 27 sano jirka daafaca dhexe ee Man City ee Aymeric Laporte. (Sun)

Newcastle ayaa sidoo kale indho-indhaynaysa xaalada Aaron Ramsey oo ay sidoo kale xiisaynayaan West Ham United iyo Everton. (Sun)

Arsenal ayaa u dooratay weeraryahanka Real Sociedad ee Alexander Isak iyo midka Lille ee Jonathan David bartilmaameedyo ay weerarkeeda kusoo xoojin karto xagaaga dambe. (The Athletic)

Tottenham ayaa suuqa January isku dayi karta saxeexyada Paulo Dybala oo Juventus ah iyo xiddigaha Inter Milan ee Stefan De Vrij iyo Perisic. (Football.London)

Chelsea ayaa u dhaqaaqaysa saxeexa khadka dhexe ee Monaco ee Aurelien Tchouameni oo ah dookh ka qiimo jaban Declan Rice oo West Ham United ka tirsan. (Daily Telegraph)

Newcastle ayaa dalab weyn u bandhigtay garabka weerar ee Barcelona ee Ousmane Dembele. (Rudy Galetti on Twitter)

Newcastle ayaa sidoo kale dalab u diyaarinaysa khadka dhexe ee AS Roma ee Jordan Veretout. (Foot Mercato)

Watford ayaa doonaysa suuqa January saxeexa daafaca dhexe ee Aston Villa ee Kortney Hause. (Football Insider)

Lyon ayaa kooxda Chelsea kasoo diiday dalabkeedii ahaa inay dib usoo ceshato daafaca bidix ee Emerson Palmieri oo amaah kula jooga kooxda Ligue 1 ka ciyaarta. ( Football News)

Leeds ayaa xiisaynaysa saxeexa weeraryahan Giovanni Simeone oo haatan Verona amaah kula jooga kana maqan Cagliari (Sport Witness)

Juventus ayaa diiday dalab ciyaaryahano is-dhaafsi oo ay Barcelona ku doonaysay inay Alvaro Morata kaga bedelato Memphis Depay. (Football Italia)

Juventus daafaceeda dhexe ee Matthijs de Ligt ayaa ah bartilmaameedka ugu sarreeya ee Xavi ka doonayo Barcelona xagaaga 2022. (Gazzetta dello Sport)

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*