Wararka Suuqa kala iibsiga: Barcelona oo xiiseeneysa Raheem Sterling, Real Madrid oo go’an ka qaadatay Kylian Mbappe iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Barcelona ayaa u aqoonsatay ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Manchester City Raheem Sterling inuu yahay bartilmaameedka suuqa kala iibsiga – sida ay qortay SPORT .

Arsenal ayaa ku dhow inay iibiso Granit Xhaka iyo Hector Bellerin, sida ay qortay Express .

West Ham ayaa kor u qaadi doonta baacsiga Jesse Lingard bisha soo socota, The Sun ayaa warinaysa.

Borussia Dortmund ayaa Jadon Sancho ka iibin doonta kooxda Manchester United hadii ay helaan dalab ku haboon dhamaadka bisha July, Bild

Real Madrid ayaa sugeysa jawaabta Raphael Varane ee ku aadan qandaraaskooda, sida ay qortay Marca .

Manchester City ayaa isha ku heysa 70 milyan oo ginni ah ($ 99m) si ay uga caawiso maalgelinta Harry Kane iyo Jack Grealish, sida ay qortay Daily Mail.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Billy Gilmour ayaa isha ku haya inuu amaah ugu dhaqaaqo xilli ciyaareedka soo socda, sida ay qortay The Sun.

Chelsea iyo PSG ayaa labaduba dalab € 60 million (£ 52m / $ 73m) ku dalbaday Achraf Hakimi, sida uu sheegayo Gianluca Di Marzio.

Agaasimaha guud ee Spotify Daniel Ek ayaa diyaarinaya dalab kale oo uu kula wareego kooxda Arsenal sida ay qortay Daily Mail.

Manchester United ayaa qarka u saaran inay wadahadalo la furto Paul Pogba si ay heshiis cusub uga saxiixdo iyadoo laga cabsi qabo in ciyaaryahanka khadka dhexe uu si bilaash ah ku baxo xagaaga soo aadan, sida ay qortay ESPN .

Liverpool ayaa xiiseyneysa inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe ee FC Porto Fabio Vieira, sida laga soo xigtay Bruno Andrade. 

Barcelona ayaa isha ku heysa inay dhinto qarashaadka xagaagan iyagoo doonaya inay isku dheelitiraan miisaaniyada iyo iibinta ciyaartoy waa weyn. Philippe Coutinho, Miralem Pjnanic iyo Samuel Umiti ayaa ka mid ah ciyaartooyda laga yaabo inay ka baxaan albaabka kooxda Goal

Real Madrid ayaa dejisay qiimaha ay ku dooneyso ciyaaryahanka khadka dhexe Brahim DIaz, sida ay xaqiijisay Goal.

Kooxda Arsenal ayaa ku sii dhawaanaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Wolves ee Ruben Neves sida laga soo xigtay Todofichajes.

Brighton ayaa dul dhigtay Ben White qiimo £ 50 million ($ 61m) si ay iskaga difaacdo xiisaha daafaca England, sida ay qortay Mail .

Bayern Munich ayaa dib u soo nooleyneysa xiisihii ay u qabtay ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee Chelsea Callum Hudson-Odoi, sida laga soo xigtay Times.

Atletico Madrid ayaa u soo bandhigtay Saul Niguez kooxda Manchester City si ay uga hesho Bernardo Silva, sida ay qortay Times.

Real Madrid ayaa iska casishay xaqiiqda ah inaysan awoodi doonin inay lasoo saxiixato Kylian Mbappe xagaagan kooxda Paris Saint-Germain, sida ay qortay AS.

Milan, Borussia Dortmund iyo Atletico Madrid ayaa dhamaantood baacsanaya saxiixa garabka kooxda Lille ee Jonathan Ikone – sida laga soo xigtay Calcio Mercato .

Inter ayaa mudnaanta siineysa saxiixa xiddiga Chelsea Emerson Palmieri xagaagan – sida laga soo xigtay Tuttosport .

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*