Wararka Suuqa kala iibsiga Caawa: Qorshaha Cusub ee Chelsea ku soo qadaneyso Kingsley Coman, Xaalka Barka ee Renato Sanches iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Roma ayaa dalab fiican ka gudbineysa garabka kooxda Palmeiras ee Matias Vina sida ay qortay Sky Sport 

Weeraryahanka kooxda Chelsea Armando Broja ayaa saxiixay heshiis cusub oo shan sano ah oo uu kusii joogayo garoonka Stamford Bridge. Sida ay qortay Goal

Lazio ayaa ku dhow saxiixa Luka Romero oo ka socda Mallorca, Calciomercato .

Weeraryahanka kooxda Barcelona Rey Manaj ayaa kusii jeeda dalka Portugal. A Bola 

Riyad Mahrez ayaa qarka u saaran inuu qandaraaska u kordhiyo Manchester City – sida laga soo xigtay MEN .

Juventus ayaa xiiseyneysa inay dib ula soo saxiixato ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona Miralem Pjanic – sida laga soo xigtay Mundo Deportivo .

Chelsea ayaa diyaar u ah inay ku darto Callum Hudson-Odoi heshiis kasta oo macquul ah oo ay kula soo wareegeyso garabka kooxda Bayern Munich ee Kingsley Coman – sida laga soo xigtay L’Equipe .

Barcelona ayaa isha ku heysa inay heshiis la gaarto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Lille Renato Sanches – sida laga soo xigtay AS .

Juventus ayaa loo sheegay inta ay ku bixin doonto saxiixa weeraryahanka Manchester City Gabriel Jesus qiimahaasi oo ah 50 milyan – sida ay warinayso Calcio Mercato .

Liverpool ayaa qarka u saaran inay wadahadalo la furto Jordan Henderson oo ku saabsan heshiis cusub – sida ay qortay Daily Mail .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*