Wararka Suuqa kala iibsiga Caawa: Borussia Dortmund oo ka Jawaabtay Dalabkii Chelsea, Heshiiska Salah ee Liverpool Iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Arsenal ayaa xiiseyneysa ciyaaryahanka Chelsea Tammy Abraham, iyadoo weeraryahankaan horay loogu soo bandhigay kooxo dhowr ah sida uu qoray wargeyska The Telegraph .

Manchester United ayaa ka cabsi qabta inay lumiso xiddiga Rennes Eduardo Camavinga, sida ay qortay The Telegraph .

Danny Ings ayaa bartilmaameed sare u ah Tottenham madaama uu Kooxda ka tagi karo Xagaagan Xidiga Harry Kane, laakiin Standard Sport 

Martin Braithwaite ayaa doonaya inuu sii joogo kooxda Barcelona xagaagan, sida ay qortay Mundo Deportivo.

Chelsea ayaa heshiis la gaartay Crystal Palace oo ku aadan Marc Guehi, iyadoo daafaca mustaqbalka leh uu ka tagayo Stamford Bridge. Goal

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Jesse Lingard ayaa u muuqday mid diirada u saaran Atletico Madrid, 90min

Weeraryahanka Schalke Matthew Hoppe ayaa xiiseynaya Tottenham – sida laga soo xigtay 90min .

West Ham ayaa isha ku heysa inay heshiis la gaarto goolhayaha Paris Saint-Germain Alphonse Areola – sida ay qortay The Evening Standard .

Milan ayaa diyaar u ah inay iska dirto laacibka diirada u saaran Fiorentina ee Tommaso Pobega – sida laga soo xigtay Calcio Mercato .

Napoli ayaa dooneysa inay soo qaadato daafaca dambeedka midig ee kooxda Chelsea Emerson Palmieri – sida laga soo xigtay Calcio Mercato .

Chelsea ayaa aragtay dalabkii furitaanka ee Borussia Dortmund ee Erling Haaland oo la diiday – sida ay qortay Sky Germany .

Kylian Mbappe ayaa weli ah bartilmaameedka koowaad ee Real Madrid, laakiin Fichajes ayaa sheegay in Mohamed Salah uu yahay dooq kale oo ay tixgalinayaan Blancos.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*