Home Wararka Ciyaaraha Wararka Suuqa kala iibsiga Caawa: Chelsea oo Hormarisay Heshiiska ay kula soo...

Wararka Suuqa kala iibsiga Caawa: Chelsea oo Hormarisay Heshiiska ay kula soo wareegeyso Jules Kounde, Amad Diallo oo Amaah ku baxaya iyo Qodobo kale

0
Ad

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Chelsea ayaa wali si firfircoon u raadineysa heshiiska daafaca dhexe ee Sevilla Jules Kounde dalabka kooxda ayaana la filayaa in markan ay u hesho jawaab , sida uu sheegay saxafiga Talyaaniga Fabrizio Romano .

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inaysan xiiseyneynin inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Barcelona Philippe Coutinho . sida laga soo xigtay The Mirror

Ad

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay il gaar ah ku heyso xaalada Saul Niguez ee Atletico Madrid , iyadoo Blues ay miisaameyso u dhaqaaqista xiddiga reer Spain ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga xagaagan. sida uu sheegayo saxafiga Talyaaniga Fabrizio Romano

Pep Guardiola ayaa ku faraxsan kooxdiisa inkastoo Manchester City aysan la soo saxiixan weeraryahan xagaagii iyadoo waqtiga ugu dambeeya ee suuqa kala iibsiga lagu dhowyahay. Goal

Weeraryahanka heerka caalami ee dalka France Benzema ayaa qalinka ugu duugay Santiago Bernabeu heshiis cusub oo ku eg 2023. Real Madridfc.

Weeraryahanka Manchester City Liam Delap ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub oo uu kooxda kula sii joogayo ilaa 2026.

Sheffield United ayaa dooneysa inay amaah ku qaadato xiddiga garabka uga ciyaara Manchester United Amad Diallo laakiin Ole Gunnar Solskjaer ma hubo inuu da ‘yarkaan ka tagi doono kooxda. Goal

Agaasimaha ciyaaraha ee Borussia Monchengladbach Max Eberl ayaa qirtay in Marcus Thuram uu ku biiri karo Inter ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga. Bild 

Philippe Coutinho ayaa loo soo bandhigay rajo ah inuu weli mustaqbal ku yeelan karo Barcelona. Ronald Koeman ayaa saxaafada u sheegay sidaasi

Leon Goretzka ayaa ogolaaday inuu qandaraas cusub u saxiixo Bayern Munich, iyadoo xiddiga heerka caalami ee dalka Jarmalka uu qarka u saaran yahay inuu soo gabagabeeyo wadahadalka bixitaanka ee Allianz Arena. sida ay qortay Goal iyo Spox

Manchester United ayay u badan tahay inaysan sameyn doonin saxiixyo kale ka hor inta uusan xirmin waqtiga ugu dambeeya xagaaga, sida ay qortay Manchester Evening News.

Previous articleTuchel oo Xaqiijiyay in Mid kamid ah Xidigaha Kooxda laga Helay Coronavirus
Next articleRASMI: Ramsdale oo ku biiray Kooxda Arsenal, Kooxda oo Xaqiijisay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here