Home Wararka Ciyaaraha Wararka Suuqa kala iibsiga Caawa: Erling Haaland, Noussair Mazraoui, Franck Kessie, Vitor...

Wararka Suuqa kala iibsiga Caawa: Erling Haaland, Noussair Mazraoui, Franck Kessie, Vitor Pereira, Dele Alli, Eduardo Camavinga

0
Ad

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Daafaca dambeedka midig ee kooxda Ajax Noussair Mazraoui ayaa qirtay inuu wadahadalo la yeeshay kooxo kale ka hor inta uusan xagaagan ka tegin kooxda. Goal

Tottenham ayaa heshiis la gaartay AC Milan saxiixa Franck Kessie. Kooxda ka dhisan Premier League ayaa rajeyneysa inay xoojiso khadkeeda dhexe bishaan, agaasimaha Fabio Paratici ayaa dhawaan bilaabay wadahadalada Sida laga soo xigtay Calciomercato .

Ad

Tababaraha reer Portugal Vitor Pereira ayaa ku jira liiska laga doonayo Everton hottseat, sida laga soo xigtay Daily Mail .

Tottenham ayaa u furan inay iska iibiso Dele Alli iyo Giovani Lo Celso, sida ay ogaatay Goal .

Liverpool ayaa sii wada in ay la socoto xaalada Eduardo Camavinga ee Real Madrid isaga oo in muddo ah jeclaa xiddiga khadka dhexe ee France, sidaas waxaa warinaysa El Nacional.

Defensa Central ayaa ku warameysa in Bayern Munich ay diyaar u tahay inay kula tartanto Real Madrid baacsiga dheer ee Erling Haaland. Defensa Central

Jesse Lingard oo isha ku haya inuu ka tago Manchester United inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga jiilaalka, laakiin Manchester Evening News ayaa sheegaysa inuu xiiseynayo kaliya heshiisyada amaahda ah heerkan. Manchester Evening News 

Arsenal ayaa heshiis amaah ah oo ku saabsan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Juventus Arthur kaas oo in muddo ah soo socday. sida laga soo xigtay 90min , 

Bayern Munich ayaa xiriir la sameysay wakiilka khadka dhexe ee Barcelona Frenkie de Jong – sida laga soo xigtay Marca .

Real Madrid iyo Barcelona ayaa wada gaaray heshiis aan gardaro ahayn – sida laga soo xigtay Marca .

Previous articleReal Madrid 2-2 Elche: Los Blancos oo sameesay soo laabasho cajiib ah Xili bar-baro lagu qabtay
Next articleDeportivo Alaves 0-1 Barcelona: De Jong oo guul waqti danbe timaaday ku caawiyay Blaugrana

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here