Wararka Suuqa kala Iibsiga Caawa: Kuwa ugu Danbeeyay, Timo Werner, Jorginho, Cesar Azpilicueta, Eddie Nketiah, Lorenzo Insigne, Ousmane Dembele,

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Wakiilka Jorginho ayaa ku adkaystay in uuna xiddiga khadka dhexe wax wadahadal ah la samayn kooxda chelsea oo ku saabsan heshiis kordhin. Joao Santos ayaa u sheegay Tuttomercatoweb :

Barcelona ayaa xiiseyneysa inay beeca xorta ah ku soo qaadato daafaca midig ee Chelsea Cesar Azpilicueta, sida ay ku warameyso MARCA .

Eddie Nketiah ayaa diiday qandaraas kordhintii ugu dambeysay ee Arsenal – sida laga soo xigtay Sky Sports .

Tottenham ayaa qorsheynaysa inay lasoo wareegto weeraryahanka Napoli Lorenzo Insigne – sida laga soo xigtay Calciomercato .

Barcelona ayaa ka shaqaynaysa heshiis kordhinta Ousmane Dembele, maamulaha kooxda Ferran Reverter ayaa xaqiijiyay. Goal

Timo Werner ayaa laga yaabaa in Manchester United ay door ku yeelato suuqa kala iibsiga ka dib markii Ralf Rangnick loo magacaabay tababare ku meel gaar ah – sida laga soo xigtay Sport Bild .

Ajax ayaa isha ku heysay daafaca bidix ee Anderlecht Sergio Gomez – sida laga soo xigtay Voetbal Primeur .

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Inter Ivan Perisic ayaa ka fiirsanaya inuu u wareego Tottenham – sida laga soo xigtay Sport 1 .

Leicester ayaa qorsheynaysa inay Janaayo u dhaqaaqdo weeraryahanka Wolves Hwang Hee-chan, Football Insider

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*