Wararka Suuqa kala iibsiga Caawa: Kuwooda ugu Danbeeyay, Erling Haaland, Dusan Vlahovic, Carney Chukwuemeka,Vinicius Junio,Memphis,Pablo Mari 

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Kooxaha Premier League ee xiiseynaya Dusan Vlahovic ayaa la siiyay dhiirigelin iyadoo kooxda Serie A ay doorbideyso inay weeraryahanka ka iibiso koox Ingiriis ah marka loo eego Juventus, sidaas waxaa qortay 90Min.

Xiddiga Aston Villa Carney Chukwuemeka ayaa diiday qandaraas cusub ka dib markii uu ka carooday fursad la’aanta kooxda koowaad, sidaas waxaa qortay Talksport.

Tottenham ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso saxiixa xiddiga Roma Nicolo Zaniolo oo wadahadaladii qandaraaska uu kula jiray kooxda Serie A ay hakad galeen, sida laga soo xigtay Calciomercato .

Real Madrid ayaa ah meesha xigta ee Erling Haaland uu doorbidayo haddii uu ka tago Borussia Dortmund sanadka 2022,  GOAL

Juventus ayaa diyaar u ah inay sahamiso ikhtiyaarka ah inay Memphis ka soo qaadato Barcelona, ​​sidaas waxaa qortay El Nacional .

Steven Gerrard ayaa isha ku haya inuu laba xidig uu ku kordhiyo kooxdiisa Aston Villa bisha Janaayo, sida ay sheegtay Football Insider.

Pablo Mari  ayaa go’an saday inuu iskaga tago kooxda Arsenal kadib markii uu u saftay labo kulan oo kaliya. Sida laga soo xigtay Mauro Sant Anna 

Chelsea ayaa horumar ka samaysay wadahadalada qandaraaska ee Andreas Christensen. sida laga soo xigtay Football Insider,

Manchester United ayaa isku diyaarineyso qaab lacag badan ah oo ay ku dalbaneyso xidiga kooxda Real Madrid ee Vinicius Junior El Nacional 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*