Wararka Suuqa Kala iibsiga Caawa: Lionel Messi, Kylian Mbappe, Oscar Mingueza, Ousmane Dembele, Pierre-Emerick Aubameyang, Andreas Christensen

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Valencia ayaa wadahadalo amaah ah kula jirta daafaca dambeedka midig ee Barcelona Oscar Mingueza – sida laga soo xigtay Marca .

Xavi ayaa u sheegay Ousmane Dembele in ay qasab ku tahay in uu heshiis cusub u saxiixo Barcelona hadii kale la iibin doono ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga January. Goal

Weeraryahanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa dalab ka helay Al-Nassr, sida laga soo xigtay CBS Sports .

Paris Saint-Germain ayaa sii kordhineysa kalsoonida ah in Kylian Mbappe uu saxiixi doono qandaraas kordhin – sida laga soo xigtay ESPN .

Barcelona ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta daafaca Chelsea Andreas Christensen – sida laga soo xigtay SPORT .

Dani Alves ayaa muujiyay sida uu u jecel yahay in uu arko Lionel Messi oo ku soo laabanaya Barcelona kana yimid Paris Saint-Germain. Goal

Bayern Munich ayaa qorsheyneysa inay iska iibiso Robert Lewandowski xagaaga haddii uu diido qandaraas cusub – sida laga soo xigtay Sport Bild .

Newcastle ayaa ka shaqeyneysa inay heshiis amaah ah kula soo wareegto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Jesse Lingard – sida laga soo xigtay MEN .

Newcastle United ayaa wadahadalo kula jirta daafaca bidix ee Bayer Leverkusen Mitchel Bakker, sida laga soo xigtay MailOnline .

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*