Home Suuqa kala iibsiga Wararka Suuqa kala iibsiga Caawa: Liverpool oo u dhaqaaqeysa Franck Kessie, Heshiiska...

Wararka Suuqa kala iibsiga Caawa: Liverpool oo u dhaqaaqeysa Franck Kessie, Heshiiska Varane ee Manchester United iyo Qodobo kale

0

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Daafaca Juventus Cristian Romero ayaa waxaa xiiseynaya Tottenham – sida laga soo xigtay Gazzetta Dello Sport .

Manchester United ayaa diyaar u ah inay ka afduubato Arsenal saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Wolves Ruben Neves – sida ay qortay talkSPORT .

Raphael Varane ayaa heshiis mabda ‘ahaan la galay Manchester United heshiis gaaraya ilaa 2026, laakiin weli ma jiro wax heshiis ah oo ay Real Madrid kula jirto daafaca,  sida  ay xaqiijisay Goal .

Manchester City ayaa ku celisay inaysan u dhaqaaqi doonin xagaagan daafaca Sporting CP Nuno Mendes. Goal

Wolves ayaa, sida laga soo xigtay 90min , waxay u furantahay fikradda iibinta garabka reer Portugal Pedro Neto.

Arsenal ayaa isaga hartay loolanka loogu jiro garabka kooxda Bayer Leverkusen Leon Bailey, sida ay qortay Football Insider .

Chelsea ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Sassuolo Domenico Berardi, Alfredo Pedulla .

Liverpool ayaa ka mid ah kooxaha ka fikiraya u dhaqaaqista xiddiga AC Milan Franck Kessie. sida laga soo xigtay Gazzetta dello Sport.

Donny van de Beek ayaa diyaar u ah inuu u dagaallamo mustaqbalkiisa Manchester United, sida ay warinayso Manchester Evening News .

Manchester United ay weli wadahadal kula jirto daafaca Real Madrid Raphael Varane sida ay qortay Express Sport

West Ham ayaan weli helin wax dalab ah oo ku saabsan Declan Rice sida ay qortay talkSPORT .

Previous articleChelsea oo loo soo bandhigay Heshiis ay kula wareegi karto Eden Hazard
Next articleJordan Henderson oo qarka u saaran inuu sii joogo Liverpool

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here