Wararka Suuqa kala iibsiga Caawa: Man United oo Dooneysa Sadex Saxiix, Juventus iyo Barcelona oo Heshiis is dhaafsi Sameenaya iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Juventus ayaa dejisay lacag dhan 40 milyan oo euro oo u dhiganta 35 milyan oo euro ama $ 47 milyan oo euro oo ay ku doonayso daafaca lala xiriirinayo kooxda Everton ee Merih Demiral,  Goal

Lewis Bate ayaa ku dhow inuu ku biiro Leeds United isagoo ka tagaya Chelsea ka dib markii uu diiday qandaraas uu kula sii joogayo Stamford Bridge,  Goal

Manchester United ayaan weli wax dalab ah ka helin Paris Saint-Germain oo ku aadan Paul Pogba, sida ay qortay Manchester Evening News.

Ku guuleystaha Koobka Adduunka Matthias Ginter ayaa xiiso ka helaya Real Madrid, Barcelona iyo Atletico Madrid, Sky Sport Deutschland

The Athletic ayaa ku warameysa in kooxda reer Jarmal ee Borussia Dortmund aysan wax xiiso ah u qabin Tammy Abraham. The Athletic

Barcelona iyo Juventus ayaa raadinaya qorshe isku badalasho oo ku aadan Antoine Griezmann iyo Paulo Dybala. L’Equipe

Manchester United ayaa dooneysa seddex saxiix ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga xagaagan Sanches ayay durba lasoo wareegtay waxana socda qorshaha Varane iyo Trippier , sida ay qortay Manchester Evening News.

Bayern Munich ayaa wadahadal la gashay Barcelona heshiis amaah ah oo ay kula soo wareegeyso Sergi Roberto kaasoo ay ku jiri karto ikhtiyaar iib ah, ilo wareedyo ayaa u xaqiijiyay  Goal  iyo  SPOX .

Leicester City ayaa ku rajo weyn heshiis cusub oo ay u saxiixdo Youri Tielemans – sida ay qortay Daily Mail .

Daafaca midig ee Real Madrid Alvaro Odriozola ayaa ka fiirsanaya inuu amaah ugu dhaqaaqo Milan – sida laga soo xigtay El Transistor .

Juventus ayaan diyaar u aheyn inay u dhaqaaqdo Gabriel Jesus ka dib markii Manchester City ay soo bandhigtay qiimaha ay ku dooneyso weeraryahankaan, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Italy. Calciomercato

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*