Wararka Suuqa kala iibsiga Caawa: Manchester City oo ku biirtay tartanka Federico Chiesa, Liverpool oo raadineysa Jarrod Bowen iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Tottenham ayaa ka fiirsan doonta dalabyada u i maanaya Davinson Sanchez, Eric Dier iyo Matt Doherty in ay dhageesato, sida laga soo xigtay  TalkSport .

Everton ayaa ka fikireysa inay dalab u dirto ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Manchester United Jesse Lingard, ayaa sheegay in ay  Sun .

David Alaba ayaa shaaca ka qaaday inuu doonayo inuu ka garab ciyaaro daafaca dhexe ee lala xiriirinayo Manchester United Raphael Varane ka dib markii uu dhameystiray ku biiristiisa Real Madrid. Goal

Bayer Leverkusen ayaa diiwaan galisay xiisaha ay u qabto saxiixa daafaca Liverpool Nat Phillips, Sky Sports.

Chelsea ayaa wadahadal la furtay Dujon Sterling heshiis cusub, Goal

Milan ayaa qorsheyneysa inay xoojiso raacdada ay ugu jirto saxiixa daafaca dambeedka midig ee kooxda Manchester United Diogo Dalot – sida laga soo xigtay Sky Italia .

Diego Simeone ayaa qirtay in Saul Niguez uu ka tagi karo kooxda Atletico Madrid xagaagan xilli lala xiriirinayo kooxaha Barcelona iyo Man United.

Tottenham ayaa isha ku heysa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Roma Lorenzo Pellegrini – sida laga soo xigtay Calcio Mercato .

Manchester City ayaa kusoo biirtay loolanka loogu jiro saxiixa garabka kooxda Juventus Federico Chiesa – sida laga soo xigtay Calcio Mercato .

Liverpool ayaa u aqoonsatay garabka West Ham Jarrod Bowen inuu yahay bartilmaameedka suuqa kala iibsiga – sida laga soo xigtay The Athletic .

Chelsea ayaa bartilmaameed ka dhigatay goolhayihii hore ee Fulham Marcus Bettinelli – sida ay qortay The Telegraph .

Juventus ayaa diyaar u ah inay dib ula soo saxiixato Giorgio Chiellini – sida laga soo xigtay Calcio Mercato .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*