Wararka Suuqa kala iibsiga Caawa: Manchester City oo la Wareegeysa Harry Kane, Sheekada Cusub ee Cristiano Ronaldo, iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Cristiano Ronaldo ayaa doonaya inuu ka tago Juventus, xitaa wuxuu u arkaa Tottenham inay tahay meel macquul ah, sida ay sheegtay Radio 24 .

Tottenham Hotspur ayaa u sheegtay Manchester City inay kordhiso dalabka Harry Kane oo ah £ 50m, taasi oo ka dhigan in City la wareegeyso hadii dalabka ay aqbasho Sida laga soo xigtay The Mirror

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay dagaal kula jirto kooxda Tottenham Hotspur oo ku dooneysa laba ciyaaryahan oo kala ah Corentin  Tolisso iyo Ilaix Moriba . sida laga soo xigtay The Express

Maareeyaha Tottenham Hotspur Fabio Paratici ayaa lagu soo waramayaa inuu xiriir la sameeyay Juventus oo ku aadan heshiis is dhaafsi ah oo ay ku lug leeyihiin Tanguy Ndombele iyo Weston McKennie . Sida laga soo xigtay Tuttosport

Agaasimaha kooxda Juventus Pavel Nedved ayaa ku adkeysanaya in mustaqbalka Cristiano Ronaldo uu kusii sugnaan doono Turin inkasta oo xiddigu uu kursiga keydka ku bilaabay xilli ciyaareedka Serie A. 

Harry Kane ayaa kursiga keydka ka soo kacay si uu u saftay kulankiisii ​​ugu horeeyay ee xilli ciyaareedka Tottenham xilli ay jiraan warar xan ah oo sheegaya inuu dhawaan u dhaqaaqi doono Manchester City.  Goal

Man Utd ayaa lagu booriyay inay u dhaqaaqaan Vardy Garabkii hore ee Manchester United Lee Sharpe ayaa rumeysan in kooxdiisii ​​hore ay ugu faa’iideysan doonto Jamie Vardy afka hore.  Mirror .

Everton ayaa dalab 5 milyan oo ginni ah ka gudbisay da’yarka kooxda Rangers Nathan Patterson, sida ay qortay  Mirror .

Thomas Tuchel ayaa daaha ka qaaday inuu su’aal geliyay go’aankii guddiga Chelsea ee xil ka qaadista Frank Lampard xilli ciyaareedkii hore isagoo sheegay in uu soo jeediyay go’an ah in aan shaqada laga qaadin.

Saul Niguez ayaa loo soo bandhigay kooxo badan oo England ah si amaah ah, sida laga soo xigtay The Telegraph .

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*