
Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com
Tottenham ayaa ka mid ah kooxaha sida gaarka ah isha ugu haya xaaladda Lorenzo Insigne ee Napoli, sida ay warinayso Gazzetta dello Sport .
Juventus ayaa weli dooneysa inay Miralem Pjanic dib ugu soo celiso buugaagtooda, sida ay sheegtay Calciomercato .
Leicester ayaa diyaar u ah inay Harvey Barnes ku xidho qandaraas cusub oo ka socda King Power Stadium, sida ay qortay The Athletic.
Manchester City ayaa weli ku sii socotaa dadaalladeeda ah inay Harry Kane uu ku biiro kooxda city Xagaagan Xili maamulka Tottenham ay wali kasoo horjeedaan madama ay doonayaan qiimo rikoor ah hadii uu ka tagayo. sida laga soo xigtay ESPN ,
Xiddiga Liverpool Leighton Clarkson ayaa qarka u saaran inuu amaah hal xilli ciyaareed ah ugu biiro Blackburn Rovers, sida ay Goal xaqiijisay.
Atletico Madrid ayaa dalab € 60 million (£ 51m/$ 71m) ku doonaysay weeraryahanka Fiorentina Dusan Vlahovic, sida laga soo xigtay Sky Italia .
Manchester City ayaa ku raad joogta weeraryahanka kooxda Moors ee Kyle Hudlin, sida laga soo xigtay The Athletic .
Paris Saint-Germain , waxay diyaar u tahay inay Paul Pogba u soo bandhigto qandaraas qaali ah haddii uu ogolaado inuu ugu biiro si xor ah 2022-ka. sida laga soo xigtay The Independent
Granit Xhaka ayaa saxiixay heshiis cusub oo kooxda Arsenal. sida laga soo xigtay football.london
Be the first to comment