Wararka Suuqa kala iibsiga Caawa: Manchester United oo ku dhow Heshiiska Raphael, Sheekada Manuel Locatelli ee Juventus iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Ben White oo tijaabada caafimaadka u mari doona Arsenal Arbacada, sida ay baahisay Sky Sports

Patrick Cutrone oo ka tirsan kooxda Wolves ayaa waxaa bartilmaameedsanaya kooxaha Villarreal iyo Sampdoria, sida laga soo xigtay Sky Sports .

Donny van de Beek ayaa doonaya inuu sii joogo Manchester United, inkasta oo xilli ciyaareedkiisii hore uu ku adkaaday Dooqa hore ee kooxda, Mail on Sunday

Manchester United ayaa ku dhow inay heshiis la gaarto Real Madrid oo ku aadan Saxiixa Raphael Varane. GOAL

Barcelona ayaa dooneysa inay ka iibiso Clement Lenglet kooxda Roma, sida laga soo xigtay FootballTransfers .

Newcastle ayaa bartilmaameed ka dhigatay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Ross Barkley – sida laga soo xigtay The Athletic .

Milan ayaa diyaar u ah inay iibiso Samu Castillejo – sida laga soo xigtay Calcio Mercato 

Goal  ayaa xaqiijisay in Juventus ay qorsheysay wadahadal cusub oo ay la gasho Sassuolo si ay heshiis ula gaarto Manuel Locatelli.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Spain Isco ayaan qandaraas cusub loo soo bandhigi doonin Real Madrid – sida laga soo xigtay AS .

Chelsea ayaa u aqoonsatay goolhayihii hore ee Manchester United Sergio Romero inuu yahay bartilmaameedka suuqa kala iibsiga – sida ay qortay ESPN .

Manchester United ayaa qorsheyneysa inay ceshato Daniel James – sida laga soo xigtay The Sun .

Bayern Munich ayaa wadahadalo kula jirta saxiixa garabka kooxda Ajax Antony – sida laga soo xigtay Globo Esporte .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*