Wararka Suuqa kala iibsiga Caawa: Manchester United oo Wadahadalo Heshiis kordhin ah kula jirta Paul Pogba, Xaalka Antoine Griezmann, Pau Torres iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in Kooxda Manchester United ay ka Dhaadhicindoonto Xidiga Paul Pogba sii joogitaanka Kooxda. Goal

Manchester United weeraryahankeeda Diallo ayaa lagu soo waramayaa bartilmaameed amaah u ah Basel iyo Crystal Palace . Sida laga soo xigtay saxafiga reer Talyaani Matteo Moretto

Paris Saint-Germain ayaa la sheegay inay la soo saxiixan karto xiddigaqadka dhexe ee Manchester United Paul Pogba iyo weeraryahanka Juventus Cristiano Ronaldo xagaaga dambe. sida laga soo xigtay Sky Sports News.

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inaysan weli ka rajo dhigin inay heshiis cusub ka saxiixato Paul Pogba , iyadoo Red Devils ay weli wadahadalo kula jirto wakiilka ciyaaryahanka khadka dhexe Mino Raiola . Sida laga soo xigtay saxafiga reer Talyaani Fabrizio Romano

Atletico Madrid ayaa wali helin dalab rasmi ah oo ku aadan Saul Niguez. Mundo Deportivo

Antoine Griezmann ayaa diyaar u ah inuu kala gooyo mushaarkiisa qeyb ahaan si uu dib ugu biiro Atletico Madrid, sida laga soo xigtay Carrusel Deportivo .

Juventus ayaa ugu dambeyn ogolaatay heshiis 35 milyan euro ah (£ 30m/$ 41m) oo ay kula soo wareegeyso xiddiga qadka dhexe ee Sassuolo Manuel Locatelli, sida ay qortay Tuttosport .

Daafaca kooxda Villarreal Pau Torres ayaa iska diiday inuu u dhaqaaqo Tottenham, sida laga soo xigtay SICNews.

Real Madrid ayaa diyaar u ah inay 150 milyan oo euro (£ 128m/$ 177m) ku qaadato weeraryahanka Paris Saint-Germain Kylian Mbappe, sida ay qortay AS .

Barcelona ayaa sida ay qortay Marca aad u dooneysa inay ka takhalusto Philippe Coutinho sida ugu dhaqsiyaha badan.

Daafaca Liverpool Ben Davies ayaa qarka u saaran inuu amaah hal xilli ciyaareed ah ugu wareego Sheffield United, sida ay qortay Sky Sports News .

Mauro Icardi ayaa isku dayi doona inuu ku biiro Juventus isagoo kasoo horjeeda imaatinka Lionel Messi ee Paris Saint-Germain, sida uu qoray Todo Fichajes .

 

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*