Wararka Suuqa kala iibsiga Caawa: Nicolas de la Cruz oo Xiiso ka helaya Man United iyo kooxo kale, Aurelien Tchouameni oo Chelsea ku biiri kara, Xaalada Pedri iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Agaasimaha AC Milan Paolo Maldini ayaa ku rajo weyn in kooxdiisu ay ku qancin karto Franck Kessie inuu saxiixo heshiis cusub, Kooxda ka dhisan Serie A ayaa wadahadalo kula jirtay ciyaaryahanka khadka dhexe laakiin weli kuma qancin inuu ka dhabeeyo heshiis cusub. DAZN 

Nicolas de la Cruz ayaa soo jiitay dareenka kooxo badan oo heer sare ah bandhigiisii ​​River Plate. Sida laga soo xigtay Fichajes ,  xiddiga qadka dhexe ee weerarka ah waxaa horay u dooneysay Manchester United, laakiin Atletico Madrid iyo Sevilla ayaa ku jira loolankiisa. Fichajes.

Barcelona iyo Pedri ayaa qarka u saaran inay wada xaajood ka furaan qandaraaska ciyaaryahanka khadka dhexe, 18 jirkaan ayaa doonayo in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda ka dhisan Camp Nou. Wargayska Mundo Deportivo.

AC Milan ayaa isha ku haysa daafaca Sampdoria Omar Colley iyaga oo raadinaya badalka Alessio Romagnoli. Calciomercato.it

AC Milan ayaa ka fiirsaneysa inay bisha Janaayo u dhaqaaqdo William Carvalho. Kooxda ka dhisan Serie A ayaa rajeyneysa inay xoojiso qadka dhexe suuqa kala iibsiga ee soo aadan, Estadio Deportivo

Chelsea ayaa qarka u saaran inay ku tartanto suuqa kala iibsiga ee ku aadan xiddiga qadka dhexe ee Monaco Aurelien Tchouameni – sida laga soo xigtay Tuttomercatoweb .

Liverpool ayaa wadahadalo heshiis kordhin ah la furtay Naby Keita – sida laga soo xigtay Calcio Mercato .

Weeraryahanka kooxda Liverpool Divock Origi ayaa xiiso ka helaya kooxda Lens – sida laga soo xigtay Fichajes .

Isco ayaan wali ku faraxsanayn Real Madrid inkastoo uu dib ugu soo laabtay kooxda Carlo Ancelotti – sida laga soo xigtay Calcio Mercato.

Juventus iyo Milan ayaa qarka u saaran inay ku dagaalamaan weeraryahanka Fiorentina Dusan Vlahovic sanadka soo socda – sida laga soo xigtay Tuttosport .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*