Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com
Juventus ayaa ka fiirsaneysa inay dalab ka gudbiso garabka Roma Nicolo Zaniolo, Tuttomercatoweb .
khadka dhexe ee Juventus Arthur ayaa doonaya inuu u dhaqaaqo Arsenal. Sida laga soo xigtay Calciomercato.
Tottenham ayaa doneysa inay heshiis la gaarto garabka Wolves Adama Traore sida ugu dhakhsaha badan. sida laga soo xigtay football.london.
Manchester United ayaa dooneysa in ay hesho tababare joogto ah oo la magacaabo ka hor inta uusan xirmin ololaha 2021-22, sidaas waxaa qortay Manchester Evening News .
Chelsea ayaa loo soo bandhigay fursad ay kula soo saxiixan karto daafaca dambeedka midig ee Paris Saint-Germain Layvin Kurzawa GOAL.
Manchester United ayaa qorsheyneysa inay lasoo wareegto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Aston Villa John McGinn – sida laga soo xigtay The Telegraph .
Aston Villa ayaa u aqoonsatay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Sunderland Dan Neil inuu yahay bartilmaameedka suuqa kala iibsiga – sida laga soo xigtay TEAMtalk .
Newcastle ayaa la xiriirtay kooxda Paris Saint-Germain si ay kala heshiiyaan Keylor Navas – sida laga soo xigtay RMC Sport .
Juventus ayaa ka shaqaynaysa sidii ay ula soo wareegi lahayd weeraryahanka Zenit St Petersburg Sardar Azmoun – sida laga soo xigtay Tuttosport .
Xiddiga Borussia Dortmund Jude Bellingham ayaa hogaanka u haya liiska ciyaartoyda ay dooneyso Manchester United marka ay timaado in la keeno ciyaaryahan kale oo khadka dhexe ah, sida ay sheegtay The Athletic .