Wararka Suuqa Kala iibsiga Caawa: Real Madrid oo soo Bandhigtay Liiska Afar Xidig oo ay Dooneyso, Martin Odegaard oo ku dhow ku biirista Arsenal, iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Manchester United ayaa sii wadata wadahadalada ay kula jirto Flamengo oo ku aadan heshiiska Andreas Pereira. Goal

Barcelona ayaa soo jeedisay heshiis is dhaafsi ah oo ay ku lug leeyihiin Ousmane Dembele iyo xiddiga Juventus Dejan Kulusevski horaantii xagaagan – sida ay ku   Calcio Mercato .

Milan ayaa qarka u saaran inay seegto heshiiska garabka Chelsea Hakim Ziyech – sida laga soo xigtay Calcio Mercato .

Newcastle ayaa dooneysa inay amaah ku soo qaadato xiddiga qadka dhexe ee Leicester City Hamza Choudhury, sida ay qortay Daily Mail .

Arsenal ayaa ku dhow inay soo xerogeliso u dhaqaaqista Martin Odegaard ka dib markii ay xoojisay wadahadaladii ay kula jirtay Real Madrid,  sida ay qortay Goal

Agaasimaha ciyaaraha PSG Leonardo ayaa u sheegay ciyaartoyda in Kylian Mbappe uusan ka tagi doonin xagaagan, sida ay qortay CadenaSer

Manchester City ayaa u weecatay Xidiga Vlahovic oo ka tirsan Kooxda Fiorentina madama ay ku dhowyihiin Fashilka ka heestay Harry Kane Xili Ciyaareedkan Sida laga soo xigtay wariyaha TGR RAI.

Lukaku ayaa u xiran doona Chelsea lambarka sagaalaad xilli ciyaareedkan sida ay Kooxda Xaqiijisay.

Real Madrid ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo Paul Pogba, Leon Goretzka, Antonio Rudiger iyo Eduardo Camavinga, kuwaasi oo ku jira Liiska Kooxda sida laga soo xigtay AS.

Roma ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso inay u dhaqaaqdoxiddiga qadka dhexeee Arsenal Lucas Torreira . Sida ay Qortay, Calciomercato

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*