Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com
Jesse Lingard ayaa diyaar u ah inuu ka tago Manchester United ka hor dhamaadka bishaan haddii aan la siin damaanad qaadka kooxda ee waqti uu ku ciyaaro – sida laga soo xigtay The Times .
Mauricio Pochettino ayaa ka warbixiyay mustaqbalka Kylian Mbappe shirkiisa jaraa’id ee ciyaarta ka hor khamiista, isagoo ku adkeystay inuu ku kalsoon yahay in xiddiga reer France uu doonayo inuu sii joogo PSG. Goal
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Tiemoue Bakayoko ayaa lagu soo waramayaa inuu dhexda uga jiro loolan dhanka suuqa kala iibsiga ah oo ay ku jiraan Juventus , AC Milan iyo Napoli . sida ay qortay Calciomercato
Kabtanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa lagu soo waramayaa inuusan doonaynin inuu ka tago kooxda suuqa kala iibsiga ee haatan. sida ay qortay The Express
Liverpool ayaa diyaar u tahay inay Mohamed Salah ka dhigto ciyaaryahanka ugu mushaarka badan taariikhda kooxda waxayna diyaarsadeen qandaraaskiisa. sida ay qortay The Athletic ‘
Bernardo Silva ayaa ka mid ah xidigaha lala xiriirinayo Arsenal, laakiin The Times ayaa ku warameyso in ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City uu raadinayo inuu ka tago Premier League. The Times
Arsenal ayaa ku sii dhawaanaysa saxiixa goolhayaha Sheffield United Aaron Ramsdale, Football.london ayaa sheeganaya in Gunners ay doonayso inay hesho laba heshiis oo kale.
Waxaa jira aaminaad ka dhex jirta kooxda Real Madrid oo ah in heshiis la gaari karaan karo Kylian Mbappe xagaagan, sida ay qortay Marca .
kooxda Bayern Munich ayaa shaaca ka qaaday in xidigeeda Robert Lewandowski uu sii joogayo kooxda xagaagan Sida ay Goal shaacisay.
Arsenal ayaa ku dhow inay Aaron Ramsdale kala soo wareegto Sheffield United heshiis ku kacaya 30 milyan oo ginni ($ 41m), Goal .