Wararka Suuqa kala iibsiga Caawa: Tammy Abraham oo Tijaabada Caafimaadka u Dhameestiray Roma, Sheekada Kylian Mbappe, iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Wadahadaladii u dhexeeyay Juventus iyo Paulo Dybala ayaa sii socon doona ilaa muddo dheer, wakiilka weeraryahanka reer Argentina ayaa la kulmay kooxda saddex jeer usbuucii la soo dhaafay walina uusan ka gaarin heshiis kordhin. La Gazzetta dello Sport  

Tammy Abraham ayaa ka gudbay tijaabada caafimaad ee Roma, isaga dhammaystir ku biiridiisa Horyaalka Serie A, Sky Sports.

Real Madrid ayaa rajeyneysa inay la soo wareegto xiddiga reer France, Kylian Mbappe ayaa iska diiday dalab weyn oo qandaraas ah oo uga yimid PSG, sida ay qortay Marca .

Chelsea ayaa isku diyaarineysa inay amaah ku dirto labo ciyaaryahan oo dheeri ah iyadoo kooxda Flamengo ay sameyneyso dadaalkeedii ugu dambeeyay ee saxiixa Kenedy, halka Matt Miazga uu wadahadalo horumar leh kula jiro kooxda ka dhisan La Liga ee Alaves. Goal.

Juventus ayaa dooneysa inay Miralem Pjanic dib ugu soo celiso Serie A xagaagan iyadoo Barcelona ay dooneyso inay iska iibiso ciyaaryahanka khadka dhexe. Calciomercato

Fiorentina ayaa diiday dalabkii Atletico Madrid ee ahaa € 60 million (£ 51m/$ 71m) ee Dusan Vlahovic, sidaas waxaa qortay Sky Sport oo ka  dhisan Talyaaniga.

Arsenal waxaa ka go’an in ay hesho Reiss Nelson inuu qandaraas cusub u saxiixo, The Sun .

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Paul Pogba ayaa qorsheynaya inuu u dhaqaaqo Real Madrid xagaaga soo aadan – sida laga soo xigtay Daily Star .

Lazio ayaa loo soo bandhigay fursad ay kula soo saxiixan karto xiddiga qadka dhexe ee Barcelona Philippe Coutinho – sida uu ku warramayo Calcio Mercato .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*