Home Wararka Ciyaaraha Wararka Suuqa kala iibsiga: Chelsea oo Dalabkii ugu danbeeyay ka gudbineysa Haaland,...

Wararka Suuqa kala iibsiga: Chelsea oo Dalabkii ugu danbeeyay ka gudbineysa Haaland, PSG oo lasoo wareegeysa Ronaldo iyo Qodobo kale

0

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Paul Pogba ayaa diirada u saaran Paris St-Germain xagaagan, kooxda ka ciyaarta Ligue 1 ayaa raadineysa inay iska iibiso ciyaartoy si ay u helaan 50 milyan ginni oo ay aaminsan yihiin inay heshiis ku xaqiijin doonaan. (Mirror)

United ayaan wali la soo xiriirin kooxda PSG si ay ula wareegaan 28 jirka reer France ee Pogba. (Manchester Evening News)

Daafaca dambeedka dhexe ee Real Madrid Raphael Varane, 28, ayaa doonaya inuu u dhaqaaqo Manchester United si loo dhameystiro maalmaha soo socda. (AS)

Weeraryahanka reer Wales Gareth Bale ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Major League Soccer ee dalka Mareykanka laakiin 32 jirkaan ayaa qorsheynaya inuu arko sannadka ka harsan qandaraaskiisa Real Madrid. (Mirror)

PSG ayaa laga yaabaa inay iibiso ilaa sagaal ciyaartoy si ay isugu dayaan inay lacag uruursadaan oo ay Kylian Mbappe u soo bandhigaan mushahar la mid ah 29 jirka reer Brazil Neymar. Kooxda ayaa dooneysa inay ka dhaadhiciso weeraryahanka reer France, 22, inuu qandaraaska u kordhiyo iyaga. (L’Equipe, via Marca)

Barcelona ayaa si aad ah isugu dayaysa inay iibiso ciyaartoy si ay ugu maalgeliso qandaraaska cusub weeraryahanka reer Argentina Lionel Messi, 34, ka hor bilowga xilli ciyaareedka. (theguardian)

Arsenal ayaa dalab 34 milyan oo ginni ah ka gudbisay 23 jirka qadka dhexe ee kooxda Sassuolo Manuel Locatelli. (Standard)

Gunners ayaa diyaar u ah inay u soo bandhigto Leicester City ciyaartoy dhowr ah – oo uu ku jiro 21 jirka garabka ka ciyaara ee reer England Reiss Nelson – taasoo qeyb ka ah heshiiska ay kula soo saxiixaneyso khadka dhexe ee reer England James Maddison, oo 24 jir ah (Mail)

Arsenal ayaa sarre u qaaday raacdada ay Barcelona ee goolhayaha kooxda Brazil Neto, 31. (Sun)

Chelsea ayaa laga yaabaa inay dalab 135 milyan ginni ah ka gudbiso Borussia Dortmund iyo weeraryahanka reer Norway Erling Braut Haaland, oo 20 jir ah (90min)

Garabka reer England Callum Hudson-Odoi, oo 20 jir ah, ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo Chelsea laakiin wuxuu umuuqdaa inuu sii joogayo garoonka Stamford Bridge. (theathletic)

Tottenham ayaa ku dhow inay heshiis la gaarto Sevilla garabka reer Spain Bryan Gil, oo 20 jir ah, taasoo u aragta weeraryahanka reer Argentina Erik Lamela, oo 29 jir ah inuu u dhaqaaqo kooxda ka dhisan La Liga. (Sky Sports)

Spurs waxay bixineysaa 21.6m oo lagu daray waxyaabo la xiriira waxqabadkiisa. (theguargian)

Manchester United ayaa u furan inay sameyso labo saxiix oo kale oo waa weyn ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga muddo lix toddobaad gudahood ah, iyadoo Atletico Madrid iyo daafaca buuxa ee reer England Kieran Trippier ay ka mid yihiin bartilmaameedyada ugu sareeya. (Manchester Evening News)

United ayaa weli isha ku heysa saxiixa Trippier, oo 30 jir ah, inkastoo Atletico Madrid ay dalbaneyso 18m. (TalkSport)

Juventus ayaa ka fiirsaneysa heshiis isku badalasho oo lama filaan ah taasoo u aragta weeraryahanka reer Portugal Cristiano Ronaldo, 36, inuu ku biiro PSG si ay u helaan 28 jirkooda reer Argentina Mauro Icardi. (Dailystar)

Juventus ayaa dejisay lacag dhan 35 milyan oo euro oo ay ku doonayso 21 jirka reer Turkey ee daafaca ah Merih Demiral kaas oo lala xiriirinayo kooxda Everton. (Goal)

Chelsea ayaa raadineysa goolhayihii hore ee Fulham Marcus Bettinelli, oo 29 jir ah, iyadoo dooq seddexaad u leh xilli ciyaareedkaan soo socda. (Telegraph)

Si kastaba ha noqotee, Aston Villa ayaa sidoo kale isha ku heysa goolhayaha reer England Bettinelli inay tartan u galaan Emiliano Martinez iyo Jed Steer. (Dailymail)

Manchester City ayaa laga yaabaa inay weli heysato go’aan ay ku go’aamineyso in xiddiga akadeemiga Liam Delap amaah lagu bixiyo xilli ciyaareedkan, iyadoo Preston North la fahamsan yahay inay xiiseyneyso 18 jirka weerarka ka ciyaara ee reer England. (Manchester Evening News)

Weeraryahanka 21 jirada Jarmalka Lukas Nmecha, oo 22 jir ah, ayaa sheegay inuu Wolfsburg kaga soo biiray Manchester City madaama uusan u maleyneynin fursadiisa kubadeed ee joogtada ah kooxda heysata Premier League inay aad u fiicney.(Kicker)

Previous articleCarlo Ancelotti oo diyaar u ah in uu Kooxda ku Hayo Gareth Bale
Next articleArsenal oo kor u qaaday xiisaha ay u qabto Goolhayaha kooxda Barcelona Neto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here