Wararka Suuqa kala iibsiga Ciyaaraha: City oo go’an ka gaartay Mustaqbalka Kevin de Bruyne iyo Qodobo kale

ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee maanta oo aad maalin walbo kala socotaa Warbaahinta Ciyaaro.com

Qeybta Danbe Suuqa kala iibsiga Ciyaaraha ( 10 March )

Inter ayaa raadineysa inay iibiso Arturo Vidal – sida laga soo xigtay Calcio Mercato .

Inter Milan ayaa la xiriirtay wakiilka daafaca reer Algeria iyo kooxda Real Betis ee Alissa Aissa Mandi, oo 29 jir ah, waxaana lagu soo waramayaa inay diirada uu ugu jiroLiverpool bisha Janaayo. Calciomercato 

Real Madrid ayaa muujineysa xiisaha ay u qabto saxiixa garabka kooxda Manchester City iyo xulka Algeria Riyad Mahrez, oo 30 jir ah FootMercato

Manchester United iyo Manchester City ayaa isha ku haya daafaca reer Spain ee kooxda Villarreal Pau Torres, oo 24 jir ah Manchester Evening News

Weeraryahanka Mareykanka Christian Pulisic, oo 22 jir ah, ayaa ku dhibtooday inuu ciyaaro waqtiga uu ka hoos ciyaarayay tababaraha Chelsea Thomas Tuchel taasna waxay heegan gelisay Bayern Munich, Liverpool iyo Manchester United. Dailymail

Manchester City ayaa u soo bandhigtay ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Belgium Kevin de Bruyne qandaraas cusub ka dib markii 29 jirkaan uu diiday heshiiskoodii ugu horeeyay, waxaana rajeynayaa in heshiis la gaaro dhamaadka xilli ciyaareedkaan. Times

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Portugal Bruno Fernandes, oo 26 jir ah, ayaa doonaya inuu wax ka ogaado qorshooyinka Manchester United ee suuqa kala iibsiga ka hor inta uusan heshiis cusub u saxiixin Old Trafford. The Sun

Manchester United ayaa dhageysan doonta dalabyada u imaanaya 30 jirka goolhaye David de Gea xagaagan iyadoo tababare Ole Gunnar Solskjaer uu diyaar u yahay inuu Dean Henderson ka dhigo lambarkiisa koowaad. 90min

Qeybta Hore Xanta Suuqa Kala iibsiga (10 March)

Daafaca lala xiriirinayo Liverpool Ezri Konsa ayaa qarka u saaran inuu heshiis cusub u saxiixo Aston Villa – sida ay qortay The Mirror .

Daafaca kooxda RB Leipzig Ibrahima Konate ayaa waxaa xiiseynaya kooxda Chelsea – sida laga soo xigtay majalada France Football .

Manchester Evening News ayaa sheegeysa in labada Koox ee Xifaaltama United iyo City ay labaduba isha ku hayaan Villarreal daafaceeda Pau Torres. Manchester Evening News

Luka Romero ayaa xiiso ka helaya Italy iyadoo Mallorca ay ku dhibtooneyso inay qandaraas xirfadeed la gasho, Xili Goal ay ogaatay in Juventus, AC Milan, Inter iyo Napoli ay dhamaantood isha ku hayaan kubadsameeyaha mustaqbalka leh. Goal

Tottenham ayaan weli ka hadlin arinta mustaqbalka Gareth Bale ee waqooyiga London, sida ay qortay Evening Standard.

Arsenal ayaa ka mid ah kooxaha ka fiirsanaya inay u dhaqaaqaan saxiixa daafaca bidix ee kooxda Marseille Jordan Amavi si xor ah, sida ay qortay Le10Sport.

Man United ayaa sugi doonta ilaa xagaaga ka hor inta ayna go, aan ka gaadhin in ay bartilmaameedsato iyo in kale bartilmaameedka Daafaca Sevilla ee Jules Kounde, sidaas waxaa qortay Eurosport.

Barcelona ayaa sida laga soo xigtay Mundo Deportivo , heshiis afka ah la gaadhay daafaca Bayern Munich David Alaba. Mundo Deportivo

Diogo Dalot ayaan wali wadahadal la gaarin oo ku saabsan inuu si rasmi ah uga tagayo Manchester United, sida uu sheegay wakiilka daafaca, iyadoo xidiga reer Portugal uu wajahayo kooxdiisii ​​hore ee AC Milan. Goal

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*