Wararka Suuqa kala iibsiga: Cristiano Ronaldo oo Hal arin ugu laaban kara Real Madrid, Pogba oo wali laga Xiiseenayo Turin, iyo Qodobo Kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Qeybta Danbe Suuqa kala iibsiga 20 Maarso

Gianluigi Buffon ayaa la rumeysan yahay inuu doonayo inuu ku laabto Parma madaama uu doonayo inuu xirfadiisa ciyaareed ku dhameysto xilli ciyaareed buuxa, sida uu sheegayo Todo Fichajes .

Los Blancos ayaa dib u soo ceshan karta Super Star-ka reer Portugal Cristiano Ronaldo hadii lagu heli karo Qiimo Macquul ah. Cuatro

Diogo Dalot ayaa ku farxi lahaa inuu aqbalo inuu si buuxda u sii joogo Milan ka dib heshiis amaah ah oo uu uga soo wareegay Manchester United, sida uu sheegayo Todo Fichajes .

Neymar ayaa ku sii dhawaanaya inuu heshiis cusub la gaaro kooxda Paris Saint-Germain si uu u kordhiyo qandaraaska uu kula sii joogayo ilaa 2026, sida ay qortay Le10Sport .

Tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa ku adkeystay inuusan ka qoomameynin Jadon Sancho inuu ka tagayo kooxda 2017 kuna biiro Borussia Dortmund. Goal

Real Madrid ayaa saf ugu jirta inay lasoo wareegto Naby Keita iyagoo isha ku haya inay helaan fursado badan oo ay ugu wareegin karaan khadka dhexe, sida uu qoray Todo Fichajes

Qeybta Hore Suuqa kala iibsiga 20 maarso

Lucas Vazquez ayaa, sida laga soo xigtay Marca , wuxuu kusii jeedaa albaabka looga baxo kooxda Real Madrid. Marca ,

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal Mohamed Elneny ayaa ku booriyay kooxdiisa inay heshiis joogta ah ka dhigaan amaahda Martin Odegaard. VGTV 

Xiddiga Man Utd ayaa weli diirada u saaran Bianconeri Juventus ayaa sii wadata inay albaabada u furto Paul Pogba si uu ugu laabto Turin, sida ay warinayso Calciomercato.

Mundo Deportivo ayaa warinaysa in dadaal kasta oo ay Barcelona samaynayso ay ku doonayso inay Lionel Messi ku sii hayso kooxdooda. Mundo Deportivo 

Christian Pulisic, oo ku dhibtooday inuu boos joogto ah ka helo Chelsea intii uu joogay Thomas Tuchel, ayaa loo sheegay u dhaqaaqista Liverpool xagaagan in ay noqon karto “mid ku habboon” Goal

Celtic ayaa wadahadalo kula jirta Liverpool si ay u keento Ben Davies Glasgow ka dib bilow adag oo noloshiisa Anfield ku aadan daafacan, Todo Fichajes .

Kooxda reer Brazil Palmeiras ayaa riixeysa inay lasoo saxiixato Eduard Atuesta oo ka socda LAFC, sida ay qortay UOL .

Daafaca Chelsea Antonio Rudiger ayaa doonaya inuu dib u dhigo wadahadalada qandaraaska loogu kordhinayo ilaa xilli ciyaareedka ka dib, sida ay qortay The Athletic.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*