Wararka Suuqa Kala iibsiga: Dusan Vlahovic, Antonio Rudiger, Sven Botman, Stefano Sensi, Adama Traore, Pablo Sarabia

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Arsenal ayaa diyaar u ah inay Bangigeda Jabiso si ay ugu guuleysato tartanka loogu jiro weeraryahanka Fiorentina Dusan Vlahovic. Mirror

Antonio Rudiger ayaa weli ka tagaya Kooxda Chelsea, waxaana uu jeclaan lahaa, inuu doorbido inuu ku biiro Real Madrid marka loo eego Paris Saint-Germain. sida laga soo xigtay Football.london ,

Baacsiga Newcastle ee Sven Botman ayaa u muuqda inuu dhamaaday, iyadoo The Athletic ay warineyso in Lille ay diidan tahay inay gasho wadahadalada suuqa kala iibsiga. The Athletic.

Tottenham ayaa ka fiirsaneysa inay qaab amaah ah kula soo wareegto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Inter Stefano Sensi,  90min .

Arsenal ayaa isku diyaarinaysa inay kor u qaado xiisaha ay u qabto xiddiga khadka dhexe ee Paris Saint-Germain Georginio Wijnaldum. sida laga soo xigtay Fichajes , 

Tottenham ayaa furtay wadahadalo ku saabsan 20 milyan oo ginni ($ 27m) oo ay kula soo wareegayaan garabka ugu ciyaaara Wolves Adama Traore. sida laga soo xigtay ESPN ,

Newcastle ayaa qarka u saaran inay qeyb ka noqoto ugaarsiga loogu jiro weeraryahanka QPR Lyndon Dykes, sida ay sheegtay TEAMtalk

Milan ayaa qarka u saaran inay Manchester City kasoo qaadato daafaca Nathan Ake – sida laga soo xigtay The Sun .

Ciyaaryahanka amaahda kaga maqan Paris Saint-Germain Pablo Sarabia ayaa waxaa xiiseynaya Villarreal – sida laga soo xigtay Record .

West Ham ayaa qorsheyneysa inay u dhaqaaqdo daafaca Paris Saint-Germain Abdou Diallo – sida laga soo xigtay RMC Sport .

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*