Home Suuqa kala iibsiga Wararka Suuqa Kala Iibsiga ee Maanta Laga Qoray Ciyaaraha kuwooda ugu Muhiimsan

Wararka Suuqa Kala Iibsiga ee Maanta Laga Qoray Ciyaaraha kuwooda ugu Muhiimsan

0

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Laacibka kooxda Barcelona ee Ousmane Dembele ayaa u furan inuu ku biiro kooxda Juventus, sida laga soo xigtay Calciomercato.it

Franck Kessie ayaa iska diiday dalabkii loogu kordhinayay qandaraaskiisa AC.Milan.

Rossoneri ayaa dooneysa inay qandaraas cusub ka saxiixdo ciyaaryahanka khadka dhexe, waxaana ay u soo bandhigeen mushaar gaaraya 3.5 milyan ginni, Calciomercato.it 

Bayern Munich ayaa, sida laga soo xigtay Abendzeitung , diiday fursad ay ku gasho tartanka loogu jiro ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool Georginio Wijnaldum. Abendzeitung

Paris Saint-Germain, Real Madrid iyo Inter ayaa isha ku haya horumarka Jesse Lingard ee West Ham – sida laga soo xigtay ESPN .

Juventus iyo Inter ayaa diyaar u ah inay u dagaallamaan saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Lazio Sergej Milinkovic-Savic – sida laga soo xigtay Calcio Mercato .

Daafaca Real Betis Aissa Mandi ayaa xiiso ka helaya kooxda Inter – sida ay warinayso Calcio Mercato .

Arsenal ayaa weli isha ku heysa weeraryahanka Celtic Odsonne Edouard, sida laga soo xigtay The Telegraph.

AC Milan ayaa, sida laga soo xigtay Calciomercato , dalban doonta £ 50 milyan ($ 69m) heshiis kasta oo ku lug leh Rafael Leao. Calciomercato ,

Qeybta hore ee Suuqa kala iibsiga 13 April

Real Madrid ayaa dooneysa inay sii heysato Eder Militao laakiin daafaca reer Brazil ayaa ka fiirsanaya inuu xagaaga uu boxo sida ay xaqiijisay Goal.

Weeraryahankii hore ee Manchester United Andy Cole ayaa ku booriyay kooxda inay iska iibiso Jesse Lingard xagaagaan. TalkSPORT .

Eduardo Camavinga ayaa ka tagaya Rennes, sida laga soo xigtay The Athletic .

Atletico Madrid ayaa horumar ka samaynaysa dadaalka ay ugu jirto saxiixa xiddiga u dhashay Uruguay ee Matias Arezo. Goal

Juventus ayay u badan tahay inay ka harto qorshaheeda ay ugu dhaqaaqeyso saxiixa Gianluigi Donnarumma xagaagan maxaa yeelay ma iibin karaan Wojciech Szczesny,  sida ay qortay Calciomercato.it .

Mino Raiola ayaa ku adkeysanaya inuusan dagaal kula jirin Borussia Dortmund saxiixa Erling Haaland, laakiin uusan ku raacsaneyn mowqifkooda ah inaan la iibin doonin ciyaaryahanka reer Norway xagaagan. SPORT1 

Roma ayaa qarka u saaran inay sii heysato Borja Mayoral ugu yaraan xilli ciyaareed kale. Calciomercato  ayaa sheeganeysa in kooxda ka ciyaarta Serie A ay go’aansadeen inay doonayaan inuu sii joogo isla markaana ay diyaar u yihiin inay kala hadlaan xaaladiisa Calciomercato 

Neymar ayaa qarka u saaran inuu qandaraas cusub u saxiixo kooxda Paris Saint-Germain. “Neymar wuxuu doonayaa inuu sii joogo PSG,” Romano ayaa sidaasi sheegay.

Tottenham oo loo sheegay inay ka faa’iideysataan qiimaha sare ee Harry Kane oo ay iibiso xagaagan. O’Hara ayaa u sheegay talkSPORT

PSG ayaa iska diiday dalab 300 milyan euro ah oo ay Neymar ka soo gudbisay Real Madrid sanadka 2019 Wagner Ribeiro, oo sheegay in Paris Saint-Germain ay si cad u sheegtay in xitaa “hal bilyan” aysan ku filneyn helitaanka ciyaaryahanka reer Brazil. Goal

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here