Wararka Suuqa kala iibsiga ee maanta laga qoray Fellaini, Kane, Lingard, Salah, Klopp, Pedri, Thauvin, Cavani

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Tababaraha Tottenham Jose Mourinho ayaa qorsheynaya inuu dib u la midoobo xiddigii hore ee xulka Belgium Marouane Fellaini isagoo keenaya Spurs. 33 jirkaan ayaa ka soo hoos shaqeeyay Mourinho markii uu joogay Manchester United, wuxuuna u ciyaarayaa kooxda Shiinaha Shandong Luneng tan iyo markii uu ka tagay Old Trafford sannadkii 2019. (The Sun)

Arsenal ayaa qorsheyneysa inay West Ham ka afduubato saxiixa xiddiga Manchester United iyo xulka England Jesse Lingard oo 28 sanno jir ah xagaagan. (The Sun)

Kooxda Leicester City ayaa ku hogaamineysa Manchester Unityed iyo Tottenham tartanka saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Faransiiska 22 jirka Boubakary Soumare oo u dheela kooxda Lille. (Daily Star)

Bayern Munich ayaa isku dayid oonta inay Bundesliga ku soo celiso macalinka Liverpool Jurgen Klopp xagaaga haddii tababarahooda Hansi Flick uu qabto shaqada tababaraha xulka Jarmalka. (90min)

Liverpool ayaa si dhaqso ah ugu dhaqaaqeysa saxiixa kubadsameeyaha reer Spain iyo kooxda Barcelona Pedri oo 18 sanno jir ah iyadoo lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa ay kordhi doonto haddii uu saxiixo qandaraas cusub. (Daily Star)

Paris Saint-Germain ayaa la xiriirtay wakiilada Mohamed Salah iyagoo kala hadlay suurtogalnimada ay xagaaga kula soo wareegin karaan weeraryahanka Liverpool ee 28 sanno jirka ah. (Telefoot)

Tababaraha PSG ahna macalinkii hore ee Tottenham Mauricio Pochettini ayaa u dhawaaqday weeraryahanka Tottenham Harry Kane isagoo doonaya inuu 27 jirkaan kula midoobo caasimada Faransiiska. (Telefoot)

Manchester Unityed ayaa u waalaneysa saxiixa daafaca kooxda Villarreal 24 jirka Paul Torres iyadoo ay sidoo kale xiiseynayaan Bayern Munich iyo Real Madrid. (AS)

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*