Wararka Suuqa kala iibsiga: Go’anka Tottenham ee Harry Kane oo xaalka sii adkeeyay, Juventus oo ka hadashey waxa hor taagan Heshiiska Cristiano Ronaldo iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Brighton Yves Bissouma ayaa weli diirada u saaran Liverpool laakiin Reds ayaa u aragta xiddiga reer Portugal Renato Sanches inuu yahay mid aad qaali u ah. sida laga soo xigtay Liverpool Echo

Tababaraha cusub ee kooxda Tottenham Hotspur Nuno Espirito Santo ayaa lagu soo waramayaa in loo xaqiijiyay in Harry Kane uusan ka tagi doonin kooxda xagaagan. sida laga soo xigtay Daily Mail

James Rodriguez ayaa wadahadalo kula jira Milan isagoo 10 milyan oo ginni uga soo dhaqaaqaya Everton – sida laga soo xigtay Antena 2 .

Milan ayaa ku dhibtooneysa inay heshiis la gaarto Brescia oo ku saabsan heshiis joogto ah oo Sandro Tonali ah – sida laga soo xigtay Calcio Mercato .

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee England Declan Rice, oo 22 jir ah, ayaa diiday labo dalab oo qandaraas ah oo kaga yimid West Ham , waxaana uu doonayaa in lala socodsiiyo xiisaha ay u qabaan kooxaha Chelsea, Manchester United iyo Manchester City. (Theguarian

Matias Vecino ayaa qarka u saaran inuu sii joogo Inter Milan ugu yaraan hal xilli ciyaareed oo dheeri ah – sida ay warinayso Calcio Mercato .

Juventus ayaa dib u shiday xiisihii ay u qabtay weeraryahanka Roma Edin Dzeko – sida ay warinayso Calcio Mercato .

Juventus wax war ah kama helin weeraryahanka reer Portugal Cristiano Ronaldo, oo 36 jir ah, kaasoo ah inuu doonayo inuu ka tago kooxda, iyo in kale sida laga soo xigtay madaxa fulinta ee Serie A, Federico Cherubini. (Goal)

Milan ayaa ka fiirsaneysa inay la soo wareegto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Sampdoria Mikkel Damsgaard – sida laga soo xigtay Gazzetta Dello Sport .

Real Madrid ayaa isha ku heysa daafaca midig ee Manchester United Diogo Dalot – sida laga soo xigtay Mundo Deportivo .

Borussia Dortmund ayaa u aqoonsatay daafaca RB Leipzig Marcel Halstenberg inuu yahay bartilmaameedka suuqa kala iibsiga – sida ay qortay BILD .

Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Barcelona Matheus Fernandes ayaa qarka u saaran inuu ku laabto Palmeiras – sida ay qortay ESPN .

Tottenham ayaa isha ku heysa inay heshiis amaah ah kala soo wareegto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona Miralem Pjanic – sida laga soo xigtay SPORT .

Paris Saint-Germain ayaa heshiis la gaartay daafaxa Sergio Ramos – sida laga soo xigtay RMC Sport .

Ciyaaryahanka Real Madrid Nacho Fernandez ayaa qarka u saaran inuu saxiixo heshiis cusub oo uu kula sii joogayo kooxda ka dhisan caasimada Spain ilaa 2024. sida ay qortay Goal

Ilo wareedyo ka tirsan Arsenal ayaa u sheegay  Goal  in Gunners aysan wax dalab rasmi ah ka gudbin ciyaaryahanka khadka dhexe ee Sassuolo Manuel Locatelli. Goal

Manchester United ayaa qarka u saaran inay la soo saxiixato labo daafac dhexe xagaagan.

Red Devils ayaa la sheegayaa inay ku sii dhawaaneyso daafaca Real Madrid Raphael Varane, halka xiddiga Villarreal Pau Torres uu isna bartilmaameed kale u yahay Ole Gunnar Solskjaer. sida laga soo xigtay Manchester Evening News.

 

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*