Wararka Suuqa kala iibsiga: Haaland oo sharuud ku xiray joogitaan BSV, Xaalka Juan Musso, iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Inkasta oo uu seegay xiddiga khadka dhexe ee Dele Alli intii lagu jiray suuqii January, Paris Saint-Germain ayaa wali xiiso u qabta saxiixa xiddiga Tottenham, Calciomercato .

Carlo Ancelotti ayaa doonaya inuu la midoobo daafaca kooxda Napoli Kalidou Koulibaly si uu ugu soo biiro kooxda Everton sida ay qortay Football Insider.

Qeybta Hore Suuqa kala iibsiga 22 Maarso

Madaxa fulinta ee kooxda Bayern Munich Karl-Heinz Rummenigge ayaa meesha ka saaray fursad kasta oo Hansi Flick loogu badali lahaa Joachim Low xilka tababarenimo ee xulka Jarmalka. Welt

Goolhayaha Udinese ee reer Argentina Juan Musso, oo 26 jir ah, ayaa qarka u saaran inuu iska diido dalabyada Inter iyo AC Milan si uu ugu biiro Roma . Todofichajes

Juventus ayaa diyaar u ah inay u soo bandhigto Everton heshiis kaash ah iyo lacag kaash ah si ay weeraryahanka reer Talyaani Moise Kean, 21, ugu soo biiriso kooxda.Teamtalk

Maamulaha Mikel Arteta ayaa sheegay in Xidiga reer Norway Martin Odegaard uu yahay hogaamiyaha kooxda Arsenal wuxuuna si maldahan u sheegay inuu heshiis joogto ah la gali doono 22 jirka qadka dhexe ee Real Madrid Mirror

Liverpool ayaan ka warqabin wax heshiis hordhac ah oo Barcelona ay kula soo saxiixaneyso qadka dhexe reer Holland Georginio Wijnaldum, oo 30 jir ah Liverpool Echo

Weeraryahanka reer Norway Erling Braut Haaland, oo 20 jir ah, ayaa wakiilkiisa u sheegay inuu doonayo inuu ka tago Borussia Dortmund haddii kooxda, oo kaalinta shanaad kaga jirta Bundesliga, aysan u soo bixin Champions League. AS

Agaasimaha kooxda Juventus Fabio Paratici ayaa sheegay in kooxda reer Talyaani ay dooneyso inay ceshato weeraryahanka reer Portugal Cristiano Ronaldo, oo 36 jir ah. Sky Sport Italia

Paris Saint-Germain ayaa wadahadalo heshiis kordhin ah kula jirta 18 jirka weerarka ka ciyaara Nesta Zahui, sida laga soo xigtay L’Equipe .

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*