Wararka Suuqa kala iibsiga: Hal Carqalad oo hor taagan ku biirista Raphael Varane ee Man United, Cristiano Ronaldo oo wada-hadal la furay Juventus iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa inuu qandaraas kordhin u saxiixi karo Juventus inkastoo ay soo jeedinayaan in ciyaaryahanka reer Portugal uu doonayo inuu ka tago Turin inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan. sida laga soo xigtay Gazzetta dello Sport

Aston Villa ayaa diyaar u ah inay dalabkeedii seddexaad ka gudbiso kubadsameeyaha Arsenal Emile Smith-Rowe, sida ay qortay football.london.

Xiddiga Atletico Madrid Saul Niguez ayaa laga yaabaa inuu u dhaqaaqo Liverpool, sida laga soo xigtay La Razon .

Samuel Umtiti ayaa diiday dalabkii Barcelona ee ahaa in loo fasaxo halkaasi sida ay baahisay Marca .

Wakiilka Cristiano Ronaldo, Jorge Mendes, ayaa riixaya inuu heshiiska u kordhiyo xiddiga reer Portugal kooxda Juventus ilaa 2023, sida laga soo xigtay Gazzetta dello Sport .

Newcastle ayaa diyaar u ah ha daafaca heerka caalami ee dalka Sweden Emil Krafth tago kooxda, sida ay sheegtay The Sun .

Barcelona lama siin doono mushaar kordhin dhanka La Liga si ay ugu ogolaato inay heysato Lionel Messi, Haddii uu Messi saxiixo qandaraas cusub, Barca waa inay yareeyaan mushaharkooda si ay ugu haboonaato heshiiska xiddigooda iyadoo la raacayo sharciga mushaaraadka horyaalka. sida laga soo xigtay Sport .

Agaasimaha Ajax Marc Overmars ayaa sheegay in AC Milan aysan fursad u helin saxiixa Dusan Tadic xagaagan. Rossoneri ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso weeraryahanka, laakiin Overmars ayaa u sheegay go’ankan De Telegraaf

Barcelona ayaa u soo bandhigtay inay ka fasaxdo Miralem Pjanic iyo Samuel Umtiti heshiisyadooda,  sida ay  fahansan tahay shabakada Goal , maadaama qadka dhexe iyo daafaca aysan ku habooneyn qorshaha Ronald Koeman ee mustaqbalka.

Bayern Munich ayaa ku leh qodobka heshiiskiisa amaahda Alexander Nubel kaas oo u ogolaan doona kooxda inay dib ugu yeerto haddii loo baahdo, sida ay qortay Sport1 .

Raphael Varane ayaa heshiis shaqsi ahaaneed la gaaray Manchester United laakiin arinta ku saabsan lacagtiisa ayaa weli caqabad ku ah Red Devils, sida ay qortay Express .

Arsenal ayaa diyaar u ah inay fasaxdo Willian ka dib sanad ciyaareedkiisii ​​ugu xumaa ee Emirates Stadium, sida ay qortay The Mirror .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*