Wararka Suuqa kala iibsiga: Harry Kane oo lagu heli karo Hal Wado, Chelsea oo u dhaqaaqday Erling Braut Haaland iyo Qodob kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Tottenham ayaa dalban doonta ugu yaraan 50 million (€ 174m / $ 212m) heshiis lacag oo ku aadan Harry Kane, iyagoo oo aan dooneynin wax ciyaartoy ah oo la is weydaarsado, The Sun

Tababaraha Man City ayaa muujiyay rabitaankiisa ah inuu ku daro kooxda ciyaaryahanka Aston Villa Jack Grealish xagaagan waxana uu la meel dhigay Harry Kane ESPN .

Zinedine Zidane ma qaban doono shaqo tabaranimo xilli ciyaareedkaan madaama uu sugayo shaqada xulka qaranka Faransiiska sida laga soo xigtay Libertad Digital .

Pep Guardiola ayaa meesha ka saaray inuu ku laabanayo Barcelona iyadoo tababaraha Manchester City uu ku adkeystay in Ronald Koeman “uu u qalmo” sanad kale Camp Nou. Cadena SER .

Chelsea ayaa si rasmi ah ula xiriirtay Borussia Dortmund saxiixa weeraryahan Erling Haaland, sida ay qortay Daily Mail .

Fabio Paratici ayaa maalmo ka harsan tahay in la xaqiijiyo inuu yahay agaasimaha cusub ee kooxda Tottenham,  sida ogaatay Goal .

Xiddiga Atletico Madrid Saul Niguez ayaa lala xiriiriyay kooxo dhowr ah oo waa weyn. Paris Saint-Germain, Bayern Munich, Manchester United iyo Juventus ayaa dhamaantood lala xiriirinayay ciyaaryahanka khadka dhexe laakiin  Sport 1  ayaa sheegeysa in u dhaqaaqista kooxda reer Jarmal aysan u badneyn waqtigan. Sport 1 

Barcelona ayaa diyaar u ah inay iska dirto Sergi Roberto xagaagan, sida laga soo xigtay  Mundo Deportivo .

Borussia Monchengladbach ayaa indhaha ku haysa saxiixa Josh Sargent, sida ay  qortay jariirada Bild .

Wojciech Szczesny ayaa hoos u dhigay hadal heynta ku aadan inuu ka dhaqaaqayo Juventus, isagoo ku adkeysanaya inuusan “masuul ka aheyn” istiraatiijiyadda kooxda ee suuqa kala iibsiga. Goal

Amaahda Manchester United Andreas Pereira ayaa doonaya inuu kordhiyo joogitaankiisa Lazio, isagoo qirtay inuusan laheyn qaab ciyaareed wanaagsan oo kubada cagta Premier League ah. Tuttomercatoweb:

Cristiano Ronaldo ayaa raadinaya xulashadiisa iyadoo la hadal hayo inuu ka tagayo kooxda Juventus xagaagan – sida laga soo xigtay ESPN .

Manchester United ayaa dhameystirtay heshiiska Tom Heaton, laakiin ma shaacin doonaan ilaa iyo bisha July, sida uu qoray Football Insider .

Kubad sameeyaha AC Milan Hakan Calhanoglu ayaa lagu soo waramayaa inuu ku sii dhawaanayo inuu ka tago kooxda iyadoo lala xiriirinayo kooxo badan oo Premier League ah. Sida ay Qortay Ciyaaro.com kana soo xigatay Milan News,

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay durba la xiriirtay Atletico Madrid heshiiskii ay kula soo wareegayaan Saul Niguez . Sida laga soo xigtay Mundo Deportivo

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay rajeyneyso inay iska dirto ugu yaraan seddex ciyaaryahan oo kooxda koowaad ah inta lagu jiro xagaaga dib u habeynta. Mundo Deportivo , Warbixinta oo Somali ah Halkan ka Akhriso Ciyaaro.com

Kooxda ku guuleysatay Champions League Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay weli ku jira loolanka loogu jiro saxiixa Borussia Dortmund xiddiga Erling Braut Haaland xagaagan waxayna ka gudbisay dalab ay kula soo wareegeyso. Daily Telegraph 

Brighton & Hove Albion ayaa lagu soo waramayaa inay diyaariyeen qiimaha ay ku doonayaan daafaca Ben White oo ku kacaya 50 milyan ginni, iyadoo ay xiiseynayaan kooxaha Manchester United iyo Liverpool . Sida laga soo xigtay Daily Mail

Georginio Wijnaldum ayaa lagu soo waramayaa inuu ogolaaday inuu ku biiro kooxda Ligue 1 ka dhisan ee Paris Saint-Germain xagaagan, ka dib markii qandaraaskiisa Liverpool uu dhacayo bishaan. The Guardian

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*