Wararka Suuqa kala iibsiga: Heshiiska Lionel Messi ee Barcelona oo Xog Cusub laga helay iyo Qodobo kale

Tababaraha kooxda Everton Rafa Benitez ayaa ku dhiiri galiyay madaxda kooxda inay la soo saxiixdaan 30 jirka Napoli daafaca dhexe ee reer Senegal Kalidou Koulibaly, (90min)

Napoli ayaa dooneysa inay iska iibiso Koulibaly, iyo sidoo kale 25 jirka qadka dhexe ee reer Spain Fabian Ruiz, iyagoo isku dayaya inay yareeyaan mushaharkooda. Si kastaba ha noqotee, kooxda Neapolitan ayaan weli helin dalab ku habboon labada ciyaaryahanba. (Calciomercato).

Weeraryahanka reer Argentina Lionel Messi ayaa qarka u saaran inuu la sii joogo Barcelona, iyadoo 34 jirkaan la filayo inuu qandaraas cusub u saxiixo kooxda reer Catalan ka dib markii uu ka diiwaangashan yahay horyaalka La Liga xilli ciyaareedka soo socda. (AS)

24 jirka weerarka uga ciyaara kooxda Man City ee Gabriel Jesus ayaa wali ah bartilmaameedka ugu sareeya kooxda Juventus iyaga oo doonaya in ay ku xoojiyaan weerarkooda xilli ciyaareedka dambe, laakiin 21 jirka reer Talyaani ee Moise Kean oo ay dib ugu soo celinayaan Turin kana soo dhaqaaqay kooxda Everton ayaa wali ah dookha kooxda. (Tuttosport)

Rajadii Arsenal ee saxiixa goolhayaha Ajax Andre Onana ayaa jug ku dhacday 25 jirkaan reer Cameroon ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaaray kooxda Lyon. Labada naadi, weli heshiis ma gaarin. (Fabrizio Romano)

Arsenal ayaa wadahadalo la furatay kooxda Wolves oo ku aadan saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Portugal Ruben Neves, oo 24 jir ah (Rikord)

Barcelona ayaa xiiseyneysa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Lille Renato Sanches, oo 23 jir ah, laakiin kooxda ma tixgelin karto saxiixiisa sababtoo ah dhaqaalahooda, halka Tottenham ay sidoo kale isha ku heyso ciyaaryahanka reer Portugal. (Le10 Sport)

Real Madrid ayaa ku biirtay kooxo dhowr ah oo lala xiriirinayo 21 jirka weerarka ka ciyaara ee reer Denmark Mikkel Damsgaard, kaasoo Sampdoria ay jeclaan laheyd inuu sii joogo xilli ciyaareed kale ka hor inta aysan iibin. (Tuttosport )

Daafaca reer Talyaani ee 36 jirka ah Giorgio Chiellini ayaa u saxiixi doona hal sano oo qandaraas ah kooxda Juventus isbuuca soo socda, wuxuuna kusii joogayaa kooxda Turin ilaa June 2022. (Fabrizio Romano)

Kooxda ku cusub Premier League ee Brentford ayaa isku diyaarineysa inay dalab 10 milyan oo ginni ah ka gudbiso 24 jirka Liverpool u ciyaara ee Harry Harry. Thesun

Tababaraha Bayern Munich Julian Nagelsmann ayaa hoos u dhigay u dhaqaaqista xiddiga reer Italy Federico Chiesa, kaasoo amaah kaga soo qaatay Juventus Fiorentina xilli ciyaareedkii hore, isagoo sheegay in 23 jirkaan uu fiican yahay laakiin uu “qaali yahay”. (Goal)

Weeraryahanka reer Talyaani Andrea Belotti ayaa go’aansan doona haddii uu qandaraaska u cusbooneysiin doono Torino wax yar ka dib finalka Koobka Qaramada Yurub. Jose Mourinho kooxdiisa Roma ayaa ugu cadcad saxiixa 27 jirkaan hadii uu baxo. (Sky Sport Italy)

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*