Wararka Suuqa Kala Iibsiga: Jadon Sancho oo ku dhawaanaya Ku biirista Manchester United, Heshiiska Kieran Tierney iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Brighton ayaa u sheegtay Arsenal inay waajib ku tahay inay bixiyaan 50 milyan oo ginni ($ 69m) oo lagu daray kuwa dheeriga ah si ay u helaan Ben White, sida ay qortay The Sun.

Everton ayaa ku sii dhawaaneysa inay u magacowdo Rafa Benitez tababarahooda cusub, sida ay qortay  Daily Mail.

Xiddiga Red Bull Salzburg Patson Daka ayaa xaqiijiyay inuu qarka u saaran yahay inuu ku biiro kooxda Leicester City ka dib todobaadyo warar xan ah oo ku saabsan mustaqbalkiisa kooxda. Goal

Real Madrid ayaa meesha ka saartay inay xagaaga u dhaqaaqi doonto weeraryahanka PSG Kylian Mbappe, sida ay warinayso Cadena Ser.

Juventus ayaa laga yaabaa inay ku qanciso inay iska iibiso daafaceeda Merih Demiral xagaagan haddii koox kale ay la kulanto qiimeynta daafaca dhexe ee Turkiga. Sida ay qortay Goal

Daafaca Roma Chris Smalling ayaan ku biiri doonin Everton xagaagan, sida ay qortay Daily Mail.

Anthony Martial iyo Donny van de Beek ayaa la iibin karaa iyagoo qeyb ka ah isbedelka xagaaga ee Manchester United, sida ay warinayso ESPN

Daafaca bidix ee kooxda Arsenal Kieran Tierney ayaa qandaraas cusub oo shan sano ah u saxiixay kooxdiisa. Sida ay Qortay Goal

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal Lucas Torreira ayaa doonaya inuu ku laabto Italy xagaagan, seddex sano ka dib markii uu u dhaqaaqay London isagoo ka yimid Sampdoria, sida uu sheegay wakiilkiisa Pablo Bentancur.

Roma ayaa ku dhow inay la soo wareegto goolhayaha kooxda Wolves Rui Patricio kaliya ‘ku dhowaad € 6m oo gunooyin ah’, sida laga soo xigtay Corriere dello Sport.

Manchester United ayaa ku sii dhawaaneysa inay heshiis la gaarto garabka kooxda Borussia Dortmund Jadon Sancho, sida laga soo xigtay The Athletic.

Rafa Benitez ayay ka go’an tahay inuu aqbalo shaqada tababaraha Everton inkasta oo ay taageerayaashu ku dhaleeceeyeen xiriirka dhow ee uu la leeyahay Liverpool, sida ay qortay Football Insider.

Perez ayaa u sheegay  El Transistor : “Waxaan aqriyay wargeysyada [ku saabsan Varane inuu baxayo] waxbana kama jiraan.

Manchester City ayaa ku dhow inay dhameystirto heshiis 100 milyan oo ginni ah oo ay kula soo wareegayaan ack Grealish, sida laga soo xigtay ESPN .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*