Wararka Suuqa kala iibsiga: Kounde, Rudiger, Ake, Modric, Schick, Ndombele, Miedema, Vlahovic, Bergwijn

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Liverpool ayaa diyaar u ah inay ka dhigto 75 milyan ginni lacagta lagu burburin karo qandaraaska daafaca Sevilla ee daafaca Jules Kounde bishaan, iyadoo Chelsea iyo Real Madrid ay sidoo kale xiiseynayaan 23 jirkaan. (El Nacional)

Daafaca reer Germany ee Chelsea Antonio Rudiger oo 28 jir ah, ayaa qandaraaskiisu dhacayaa xagaaga, welina heshiis cusub u saxiixin kooxda heysata horyaalka Yurub, iyadoo la sheegay inuu doorbidayo u dhaqaaqista Real Madrid marka loo eego Paris St-Germain haddii uu ka tago Stamford Bridge. (Football London)

PSG ayaa la sheegay inay Rudiger u soo bandhigtay 7 milyan oo Yuuro sanadkii cashuurta kadib, waana in ka badan inta ay soo jeediyeen kooxda reer Spain. (Footmercato)

Weeraryahanka Uruguay Edinson Cavani, oo 34 jir ah, ayaa naftiisa u huray Manchester United inta ka dhiman xilli ciyaareedkan ka dib markii uu wadahadalo la yeeshay tababare Ralf Rangnick. (Mirror)

AC Milan ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo 26-jirka reer Holland ee daafaca uga ciyaara Manchester City Nathan Ake ka dib markii kooxda Talyaaniga ay lumisay daafaca dhexe ee Denmark Simon Kjaer, oo 32 jir ah, inta ka dhiman xilli ciyaareedkan dhaawac jilibka ah. (Sun)

Manchester City ayaa laga yaabaa inay lasoo wareegto kabtanka Croatia Luka Modric, kaasoo aan ku faraxsanayn qandaraaska ay u cusbooneysiisay Real Madrid . 36-sano jirkaan ayaa qandaraaskiisa haatan ee kooxda reer Spain wuxuu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan. (El Nacional)

Arsenal ayaa diyaar u ah inay ku maalgeliso heshiis qaali ah si ay 21 jirka reer Serbia Dusan Vlahovic ugala soo wareegto Fiorentina bisha Janaayo. (Mirror)

Paris St-Germain, AC Milan, Roma, Lyon, Barcelona iyo Newcastle United ayaa ka mid ah kooxaha xiiseynaya 25 jirka qadka dhexe ee reer France Tanguy Ndombele, kaasoo aan la hubin mustaqbalkiisa Tottenham ka dib markii ay ku oorinayeen taageerayaasha Spurs markii la bedelay. Kulankii Axadii wareega saddexaad ee FA Cup oo ay ka badiyeen Morecambe. (DailyStar)

Newcastle ayaa laga yaabaa inay kula tartanto Ajax saxiixa 24 jirka garabka uga ciyaara Netherlands Steven Bergwijn, kaasoo wakiiladiisa ay eegayaan dookhyo amaah ah oo uu kaga tagayo Tottenham . (90 min)

Newcastle ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta 19 jirka weerarka uga ciyaara Faransiiska Hugo Ekitike oo ay kaga soo iibsanayaan Reims wax ka yar 30 milyan ginni. (90min)

Rajadii Newcastle ee ahayd inay lasoo saxiixato 21 jirka daafaca uga ciyaara Sven Botman inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo ayaa u muuqata inay soo dhamaatay, iyadoo kooxda reer Holland ee Lille ay diiday inay tixgeliso bixitaankiisa.  Diego Carlos iyo Benoit Badiashile, oo 20 jir ah, una dhashay Monaco ayaa weli ah dookhyada Magpies ee bishaan. (Sport)

Tottenham ayaa ka fiirsan doonta dalabyada ay u soo bandhigtay ciyaaryahanka khadka dhexe ee England Dele Alli, 25, iyo daafaca Republic of Ireland Matt Doherty, 29 sano jir ah, inay ka tagaan kooxda inta lagu jiro Janaayo. (Sky Sports)

Spurs ayaa hogaamineysa baacsiga loogu jiro ciyaaryahanka khadka dhexe ee AC Milan iyo Ivory Coast Franck Kessie, oo 25 jir ah, kaasoo qandaraaskiisu dhici doono xagaaga. (Rudy Galetti)

Manchester United ayaa ka hadashay u dhaqaaqista 25 jirka khadka dhexe ee reer Switzerland Denis Zakaria ee Borussia Monchengladbach bishaan, laakiin weli dalab lagama gudbin. (Fabrizio Romano)

Chelsea ayaa wadahadalo kula jirta Lyon heshiis ay dib ugu yeedhayso 27 jirka daafaca uga ciyaara Italy Emerson Palmieri oo amaah ku joogo France si uu ugu daboolo dhaawaca Ben Chilwell. (Dailymail)

West Ham ayaa miisaamaysa inay amaah ugu dhaqaaqdo 25-jirka Paris St-Germain ee daafaca reer Senegal Abdou Diallo. (RMC Sport)

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*