Wararka Suuqa kala iibsiga: Liverpool oo Fasixi karta Salah, Mane ama Firmino iyo Qodobo kale oo Xiiso leh

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Qeybta Danbe Suuqa kala iibsiga 16 Maarso

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso inay u dhaqaaqdoweeraryahanka Juventus Paulo Dybala . El Gol Digital

Jurgen Klopp ayaa laga yaabaa inuu diyaar u noqdo inuu kala diro seddexda weeraryahan ee caanka ah ee Liverpool si uu lacag ugu uruuriyo u dhaqaaqista Erling Braut Haaland . Mundo Deportivo

Daaficii hore ee Manchester United Marcus Rojo ayaa sheegay inuu kala hadlay Edinson Cavani sidii uu ugu biiri lahaa kooxdiisa haatan ee Boca Juniors. Manchester Evening News .

Donny van de Beek ayaa ku daalay keydka kooxda wuxuuna diyaar u yahay inuu ka tago Manchester United haddii aan loo oggolaan inuu dib ugu soo laabto safka hore sida ugu dhaqsiyaha badan, sida ay qortay Daily Star .

Chelsea ayaa isku dayi doonta inay heshiis kordhin ka sameyso Antonio Rudiger ka hor xagaagan si ay uga fogaato halista ah inuu si bilaash ah kaga tago sanadka 2022, iyadoo Daily Mail ay ku warameyso in tababaraha Thomas Tuchel uu awood u leeyahay in heshiis la sameeyo dhawaan. Dail Mail

Qeybta Hore Suuqa kala iibsiga 16 Maarso

Arsenal ayaan dooneynin inay amaah ku dirto xagaagan Gabriel Martinelli, sida ay qortay The Athletic.

Alessandro Bastoni ayaa qarka u saaran inuu qandaraaska u kordhiyo Inter – sida laga soo xigtay Calcio Mercato .

Bayer Leverkusen ayaa qarka u saaran inay lasoo saxiixato ciyaaryahanka khadka dhexe ee Paris Saint-Germain Julian Draxler xagaagaan – sida laga soo xigtay Todofichajes .

Red Devils ayaa diyaar u ah inay kooxda ka dirto ku dhawaad Afar Xidig si ay u hesho isku dar lacag dhan 60M Xidigaha ayaana kala ah Jesse Lingard, Diogo Dalot, Phil Jones iyo Juan Mata. Metro

Mundo Deportivo ayaa warinaysa in Ousmane Dembele uu diyaar u yahay inuu soo afjaro hubanti la’aanta ku xeeran mustaqbalkiisa Barcelona. Mundo Deportivo

Kooxda hogaanka u heysa Serie A ee Inter ayaa indhaha ku heysa inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Leicester Youri Tielemans, sida ay qortay Fichajes.net.

Chelsea ayaa raadineysa iney xidig kamid ah Kooxda ay qeyb kaga dhigto heshiiska Erling Haaland, Xidga Timo Werner ayaana loo badinayaa in kooxda ay u diri karto dhanka Germany sida ay qortay Football Insider.

Karim Benzema ayaa sheegay in Kooxda Real Madrid ay u furan tahay Albaabada hadii ay dooneyso in Heshiis Cusub la gasho isaga. AS

Zinedine Zidane ayaa ka hadlay rajada Cristiano Ronaldo ee ku laabashada Real Madrid isagoo sheegay in wararka xanta ah ay run noqon karaan. Goal

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*