Wararka Suuqa kala iibsiga: Luis Suarez oo ku soo laabanaya Liverpool, Xaalka Sergio Aguero ee Man City iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Qeybta Danbe Suuqa kala iibsiga 25 Maarso

Liverpool ayaa qarka u saaran inay dalab u gudbiso Atletico Madrid oo ku aadan weeraryahan Luis Suarez, sida laga soo xigtay  Fichajes .

Daafaca Villarreal Pau Torres ayaa diyaar u ah inuu u dhaqaaqo England si uu ugu biiro Manchester United hadii dalab u yimaado, kooxdiisa ayaa diyaar u ah inay dhageysato dalabka ciyaaryahanka iyo lacag kaash ah oo laga helo Red Devils, sida ay qortay Manchester Evening News .

Arturo Vidal ayaa laga yaabaa inuu ku jiro bilihiisii ​​ugu dambeeyay ee Inter Milan, maadaama  Gazzetta dello Sport ay qortay in kooxda ay dooneyso inay si dhaqso ah u iibiso.  Gazzetta dello Sport

Thiago Silva ayaa doonaya inuu qandaraaskiisa Chelsea kordhiyo, sida uu qoray wargayska The Sun , iyadoo xidigan uu soo bandhigay kubad sareysa mudada uu joogay kooxda. The Sun.

Qeybta Hore Suuqa kala iibsiga 25 Maarso

Goolhayaha Lille Mike Maignan ayaa xiiso ka helaya kooxda Ac Milan – sida laga soo xigtay Calcio Mercato .

Sergio Aguero ayaa noqon kara dookh wax ku ool u ah Manchester United suuqa kala iibsiga ee xaggaagan, sida uu sheegay Paul Ince, oo ku booriyay Ole Gunnar Solskjaer inuu u dhaqaaqo weeraryahanka Manchester City. Ladbrokes .

Liverpool ayaa qorsheyneysa inay indha indheeyaan daafaca Real Madrid Nacho marka labada koox ay ku kulmaan Champions League – sida ay qortay AS .

Real Madrid waa inay la soo saxiixataa Erling Haaland iyo Kylian Mbappe xagaagan, sida uu sheegayo halyeeyga kooxda Fernando Hierro. Goal

Gudoomiye ku xigeenka kooxda Juventus Pavel Nedved ayaa shaaca ka qaaday in Cristiano Ronaldo uusan ka tagi doonin kooxda marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga isla markaana uu dhameysandoono inta ka dhiman qandaraaskiisa. Goal

Barcelona ayaa raadineysa inay iska iibiso Philippe Coutinho iyo Antoine Griezmann, sida ay qortay  El Confidencial.

Weeraryahanka Juventus ayaa lala xiriirinayay inuu ku laabanayo Blancos lakin Real Madrid ma xiiseyneyso inay Cristiano Ronaldo dib ugu soo celiso kooxda, sida ay warinayso COPE .

Real Madrid ayaa dooneysa inay dib ula soo wareegto weeraryahanka amaahda ugu ciyaara ee Brahim Diaz ka dib amaahdiisa AC Milan, sida ay qortay Calciomercato .

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*