Wararka Suuqa kala iibsiga: Lukaku oo xiiso ka helaya Kooxaha Premier League, Iyo Qodobo Kale oo Muhiim ah

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Chelsea ayaa ka fiirsan doonta inay u dhaqaaqdo weeraryahankii hore ee Blues Romelu Lukaku, 27, haddii aysan awoodin inay la soo saxiixdaan weeraryahanka reer Norway Erling Braut Haaland, 20, xagaagan. (Telegraph)

Manchester City ayaa sidoo kale xiiseyneysa Lukaku, kaasoo dhaliyay 59 gool 85 kulan oo uu u saftay Inter Milan. (Manchester Evening News)

Qiimaha kala iibsiga Haaland ee xagaagan waxaa dejiyay Borussia Dortmund iyadoo kooxaha xiisaynaya ay u baahan yihiin £ 154m si ay fursad ugu helaan saxiixa weeraryahankan. (ESPN)

Weeraryahanka reer Senegal Sadio Mane, oo 28 jir ah, ayaa hoos u dhigay tilmaam weyn oo ah inuu doonayo inuu sii joogo Liverpool – xitaa haddii kooxda Jurgen Klopp ay ku guuldareysato inay sameyso Champions League xilli ciyaareedka soo aadan (Thesun)

Sevilla iyo Roma ayaa xiiseynaya weeraryahanka Arsenal iyo xulka France Alexandre Lacazette, 29. (ESPN)

Paris St-Germain ayaa ku rajo weyn in weeraryahanka reer Brazil Neymar, oo 29 jir ah, uu saxiixo heshiis afar sano ah, laakiin mustaqbalka Kylian Mbappe ayaan la hubin. Weeraryahanka reer France, 22, ayaa qandaraaskiisu dhacayaa 2022. (Marca)

Manchester United ayaa u furan inay xagaagan dib ugu laabato 28 jirka khadka dhexe ee reer England Jesse Lingard, kaasoo haatan amaah kula jooga West Ham – waxaana jiri kara wadahadalo heshiis kordhintiisa ah. (Thesun)

Manchester United ayaa udhaqaaqday saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Spain iyo kooxda Atletico Madrid Marcos Llorente, oo 26 jir ah aduun dhan 68.5m. (AS)

Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa lagu soo waramayaa inuu ‘aad uga xanaaqsan yahay’ Manchester United ka dib markii ay soo galeen tartanka loogu jiro 24 jirka daafaca reer Spain Pau Torres. (Mirror)

Tababaraha Liverpool Klopp ayaa sameeyay codsi ugu dambeeyay milkiilayaasha kooxda si ay heshiis ula gaaraan ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Holland Georginio Wijnaldum, oo 30 jir ah. (90min)

Reds ayaa sidoo kale hogaamineysa AC Milan iyo Juventus tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka reer Holland ee PSV Donyell Malen, 22, xagaagan. (Dail Mail)

Arsenal ayaa ugu cadcad saxiixa weeraryahanka Real Betis Nabil Fekir. Xiddiga reer France oo 27 jir ah ayaa sidoo kale lala xiriirinayay kooxaha Liverpool iyo Barcelona. (Tuttomerca)

AC Milan ayaa sameyn doonta wax walba oo ay kula soo saxiixaneyso 23 jirka daafaca reer England Fikayo Tomori oo ay si joogta ah ugala soo wareegeyso Chelsea, sida uu sheegay madaxweyne ku xigeenka Franco Baresi. Standard)

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*