Wararka Suuqa kala iibsiga: Maamulka Barcelona oo xiiseenaya Cristiano Ronaldo, ku biirista Harry Kane ee Man City oo Sheeko cusub ku soo korortay iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Brahim Diaz ayaa dhameystiri kara soo laabashadiisa amaahda AC Milan toddobaadkan, sida ay qortay Calciomercato .

Xiddiga da’da yar ee kooxda Espanyol Ferran Jutgla ayaa qarka u saaran inuu ku biiro Barceloan, sida ay shaacisay  Sport .

Manchester City ayaa isku diyaarineysa inay dalab rasmi ah ka gudbiso xiddiga Tottenham Harry Kane, sida ay ku  warameyso BBC Sport  warbixin ay shaki galineyso wararkii hore ee ku aadan dalabka £ 100 million ($ 139m). BBC Sport

Real Madrid ayaa isha ku heysa daafaca dhexe ee reer Brazil Roger Ibanez, sida laga soo xigtay  AS .

Barcelona ayaana qorshaha ugu jirin lasoo wareegitaanka xiddiga Atalanta Robin Gosens.   Mundo Deportivo

Goal  ayaa maanta qortay in ciyaaryahanka khadka dhexe ee weerarka ka ciyaara uu ku biiri doono kooxda San Siro, wuxuuna u sheegay  TRT Spor  inuu berri saxiixi doono qandaraas. Goal 

Aston Villa ayaa, sida laga soo xigtay Football Insider , diyaarineysa dalab 30 milyan euro ah ($ 42m) oo ay ku dooneyso kubadsameeyaha Arsenal Emile Smith Rowe. Football Insider

Antonio Rudiger ayaa wali si buuxda ugu heelan kooxda Chelsea inkasta oo uusan jirin wadahadalo qandaraas kordhin ah, Sky Sport ayaa sidaas ku warameysa

Arsenal ayaa hogaamineysa baacsiga loogu jiro ciyaaryahanka khadka dhexe ee AC Milan Franck Kessie, sida ay qortay Gazzetta dello Sport.

Liverpool ayaan dooneynin inay iibiso Kostas Tsimikas xagaagaan. Liverpool Echo

Manchester United ayaa horumar ka samaynaysa dalabkeeda ah inay Pau Torres la soo wareegto, sida ay qortay Manchester Evening News .

Roma ayaa soo afjartay xiisihii ay u qabtay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal Granit Xhaka, sida ay qortay Il Romanista.

madaxweynaha Barcelona Joan Laporta ayaa ku riyoonaya in uu Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ka dhigo isku koox kana wada ciyaaraan Camp Nou. Wargayska AS ayaa sheegaya sidaasi

Axel Tuanzebe ayaa diyaar u ah inuu amaah uga tago Manchester United. sida laga soo xigtay ESPN ,

Manchester United ayaan u ogolaan doonin Diogo Dalot inuu dib ugu laabto AC Milan qaab amaah ah , sida ay qortay Manchester Evening News .

Manchester City ayaa dalab ka gudbisay weeraryahanka kooxda Tottenham Harry Kane kaas oo ugu yaraan gaaraya 100 million ($ 139m), sida ay qortay The Guardian .

Milan ayaa u aragtay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Hellas Verona Mattia Zaccagni inuu yahay bartilmaameedka suuqa kala iibsiga – sida ay qortay Calcio Mercato .

Weeraryahanka Eintracht Frankfurt Andre Silva ayaa xiiseynaya Arsenal – sida laga soo xigtay Duncan Castles Transfer Window Podcast .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*