Wararka Suuqa kala iibsiga Maanta: Cristiano Ronaldo oo ku laabanaya Real Madrid iyo Qodobo kale oo muhiim ah

ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Qeybta Danbe Suuqa kala iibsiga ( 12 Maarso )

Cristiano Ronaldo iyo Aaron Ramsey ayaa laga yaabaa inay ka tagayaan Juventus iyadoo kooxdu isu diyaarineyso dib u dhis. Sida laga soo xigtay Fabrizio Romano 

Daafaca Brighton Ben White ayaa ah dookh badhkiis oo ay doonayso kooxda Man United sida uu sheegayo Jonathan Shrager.

Arsenal iyo Tottenham ayaa lagu wargaliyay inay ku kacayso aduun lacageed gaaraya 22 million ($ 31m) si Snder Berge uu ugu soo wareego kooxda Sheffield United. Express Sport

Lionel Messi ayaa u baahan doona inuu ku qanco aragtida Joan Laporta ee Barcelona ka hor inta uusan saxiixin qandaraas cusub, sida ay qortay The Sun.

Wakiilka Cristiano Ronaldo Jorge Mendes ayaa wadahadalo kula jira Real Madrid oo ku aadan weeraryahanka inuu xagaaga kusoo laabto Santiago Bernabeu sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain. Marca

Wadahadaladii u dhaxeeyay Gini Wijnaldum iyo Inter ee ku aadanaa ku biirista kooxda ayaa istaagay kadib bilooyin wadahadalo socday, sida ay qortay Calciomercato .

Qeybta hore Suuqa kala iibsiga Maanta ( 12 Maarso )

Manchester United iyo Paris Saint-Germain ayaa diiday fursad ay kula soo saxiixan kareen Cristiano Ronaldo inta lagu jiro xagaagii 2020, sida ay qortay Calciomercato.

Chelsea ayaa miisaameysa inay u dhaqaaqdo garabka kooxda Bayern Munich Kingsley Coman iyadoo su’aalo laga weydiinayo joogitaanka Christian Pulisic ee Stamford Bridge, sida ay qortay Daily Mail.

Real Madrid ayaa wadahadal la furtay Raphael Varane si ay uga saxiixdaan heshiis cusub, sida ay  qortay Marca .

Paris Saint-Germain ayaa dib u soo cusbooneysiisay xiisihii ay u qabtay Cristiano Ronaldo ka dib markii Juventus ay ka hartay Champions League, sida laga soo xigtay  Le Parisien .

Juventus ayaa u aqoonsatay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Jorginho bartilmaameedka koowaad ee xagaaga – sida ay qortay Tuttosport .

Madaxweynaha Paris Saint-Germain Nasser Al-Khelaifi ayaa si geesinimo leh u cadeeyay in Neymar iyo Kylian Mbappe aysan meelna u socon inkasta oo wararka la isla dhexmarayo ee ku xeeran mustaqbalkooda. Goal

Angel Di Maria ayaa qarka u saaran inuu qandaraas cusub u kordhiyo kooxdiisa PSG, sida laga soo xigtay  RMC Sport .

Sergio Ramos oo heshiis cusub siinaya kooxda Real Madrid. Goal

Agaasimaha isboortiga Paris Saint-Germain Leonardo ayaa ka jawaabay xiriirka kooxda ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo. Goal

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*