Wararka Suuqa Kala Iibsiga Maanta: Cristiano Ronaldo oo sii joogaya Juventus, Alaba oo heshiis la galay Real Madrid iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Qeybta Danbe Suuqa kala iibsiga 17 April

Arsenal ayaa u aragtay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Rennes Eduardo Camavinga inuu yahay bartilmaameedka suuqa kala iibsiga – sida ay qortay Marca .

Phil Foden ayaa qarka u saaran inuu qandaraas cusub u saxiixo Manchester City – sida ay qortay The Mirror .

Manchester United ayaa indhaha ku heysa inay u dhaqaaqdo daafaca kooxda Leicester City Wesley Fofana, sida ay qortay Foot Mercato.

Gennaro Gattuso ayaa loo calaamadeeyay shaqada tababarenimo ee kooxda Fiorentina – sida laga soo xigtay SportFace.it .

AC Milan ayaa gudbisay dalab ay ku dooneyso daafaca dambeedka midig ee kooxda Inter Danilo D’Ambrosio – sida laga soo xigtay CalcioMercato .

Juventus ayaa mudnaanta siineysa saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Sassuolo Manuel Locatelli xagaagan – sida laga soo xigtay CalcioMercato .

Real Madrid ayaan dooneynin inay ka iibiso Martin Odegaard kooxda Arsenal xagaagaan – sida ay qortay Marca .

Chelsea ayaa isku diyaarineysa inay dalab weyn ka gudbiso xidiga kooxda Borussia Dortmund ee Jude Bellingham, sida ay qortay  Eurosport .

David Alaba ayaa heshiis kula jira Real Madrid, sida ay qortay Marca , laakiin saxiixiisa lama shaacin doono ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkaan.

Qeybta Hore Suuqa Kala iibsiga 17 April

Liverpool ayaa raadineysa inay gacanta ku dhigto Ousmane Dembele si uu badal ugu noqdo Sadio Mane, ayuu yiri Fichajes.

Karim Benzema ayaa qarka u saaran inuu qalinka ku duugo qandaraas kordhin Real Madrid ah ilaa xagaaga 2023, sida ay qortay Marca.

Manchester United, Arsenal iyo Liverpool ayaa il gaar ah ku haya xaalada Samuel Umtiti ee kooxda Barcelona, ​​sida ay qortay Mundo Deportivo.

Ibrahima Konate ayaa ku adkeysanaya inuusan wax xiriir ah la sameyn Liverpool isla markaana uu doonayo inuu arko qandaraaskiisa RB Leipzig. Goal

AC Milan ayaa kul biirtay Napoli ugaarsiga weeraryahanka Tottenham Erik Lamela, sida uu sheegayo Calciomercato.

Daafaca AC Milan Alessio Romagnoli ayaa si cad u muujinaya ku biiritaanka Barcelona, ​​sida ay qortay Mundo Deportivo.

Chelsea ayaa u furan inay heshiis isku badalasho ah la gasho kooxda Juventus oo ay ka mid yihiin Alex Sandro iyo Emerson Palmieri, sida uu sheegayo Calciomercato .

Real Madrid ayaa filaneysa in kabtan Sergio Ramos uu ka tago kooxda marka qandaraaskiisa uu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkaan, sida ay warinayso Cadena Ser.

Jack Grealish ayaa qandaraaskiisa Aston Villa lagu burburin karaa in Manchester City ay diyaar u tahay inay saro u qaado qiimaha sida ay qortay Football Insider.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*